HomeDhacdada Saameel ee Ceel-bardaale Yey wax yeeshay?

Dhacdada Saameel ee Ceel-bardaale Yey wax yeeshay?

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...
blank
Maxamed Saleebaan

Waxa aan marka hore Tacsi u dirayaa Ehelkii, Qaraabadii iyo Bulshada Reer Somaliland meel ay joogaanba aniga oo ka tacsiyadaynaaya Dilkii Foosha xumaa ee lagula kacay Dadkii aan waxba galabsan ee lagu miray hurdada ee ka dhacay  Deegaanka Saameel kuwa mirayna waxa aan u arkaa dad waxma garato ah oo aan lahayn Geesinimo iyo Calaamadihii lagu yaqaanay Beelaha Somaliland wada dega ama soomaalida kaleba waana markii labaad ee ay ku kacaan fal noocan ah oo kale waxaana ka horeeyey falkii kan oo kale ahaa ee ay kula kaceen dadkii Safarka ahaa ee ay ku gawraceen Laamiga u dhexeeya Gabiley iyo Boorama taas oo runtii dadka ku noqotay dhacdo naadir ku ah oo aan hore u soo marin Bulshada hase yeeshee aragtidii dadku ay ka muujiyeen iyo Fikradihii ka soo baxay may noqon kuwo ay wax ku qaataan dadkan waxma garatada ah ee ku caanbaxay mirida iyo Gaadmada dadka aan waxba galabsan ee danahooda u foofay una shaqo tegay.
Waxanan ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumiintaa in uu ALLE naxariistii Janno ka waraabiyo.
Intaa ka dib hadaan u noqdo ujeedada maqaalkaygan waxa aan bulshada reer Somaliland gaar ahaan Culimo Aw Diinta, Siyaasiyiinta, Sulaadiinta, waxgaradka, Madaxdhaqameedka, Haweenka iyo Dhalinyarada, aan leeyahay waa in aynu dhan ka wada istaagnaa dhibaatada foosha xun ee loo gaystay qaar ka mida dadkeena reer Somaliland ahna dadka ugu dulqaadka badan beelaha dega Somaliland anigu odhan maayo reer Hebele waxan leeyahay waa dad ka mida dadkeena waana dad lagu qaldamay mar iyo lababa hadana u hogaansan Awaamiirta xukuumada iyo jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland-ba waxaana markhaati inoogu filan sida qiimaha badan ee ay uga hadleen una ogolaadeen weftigii wasiiradda ahaa ee shalay bookhashada ku tegay Buqdhada.
Hadaba waxa ay isweydiintu tahay side ayeynu uga qayb qaadan karnaa Dhibtaas ma taageero aynu siino dhinacyada is ku dhacay mise mid guud oo ah badbaadada qaranimada Somaliland, weliba aan dul istaago hadalkaa badbaadada Somaliland runtii uma jeedo dhinac gaar ah laakin waxa aan u jeedaa sidaad la wada socotaanba in dadkeenu yahay dad tashaday oo ka samata baxay colaadaha beelaah wada dega go’aan adagna ka gaadhay 1991 kii ee shirweynihii burco taas oo beel kasta oo Somaliland  degtaa saxeexda, taas oo aynu odhan karno waa ta maanta Somaliland meeqaanka jogto gaadhsiisay aniga oo ku amaanayaa Madaxdhaqameedyada Somaliland iyo Golaha Guurtida Somaliland oo meel uga soo wada jeestay ilaalinta heshiiskaa iyo jiritaanka qarankan Somaliland.
Hadaba waxa jirta in beryahanba aynu maqlaynay in Beelaha Dega Darafyada Somaliland ay dhex martay shaqaaqooyin yar yar oo ay ugu danbaysay tii ceerigaabo iyo tan naxdinta leh ee 05/12/2011 ka dhacday Saameel,
Isku soo wada duub wixii dhacay dhace waana qadar alle marka aynu ka eegno dhanka diinteena suuban oo aynu ogsoonahay in wixii alle qadaro uun ay dhacaan hase yeshe waxa meesha taal side ayeynu uga digtonaana dhacdooyinka noocan oo kale ah ee ku soo noqnoqda dhegeheena maxayse xambaarsan tahay yaase ay wax yeelaysaa ma beelaha is haya mise Qarannimada Somaliland runtii anigu waxan qabaa maaha mid beeleed mana ah mid cid gaara ku socota ee waa mid lagu wiiqayo qarannimada Somaliland waana mid loo baahan yahay in Bulshada reer Somaliland ay meel uga soo wada jeestaan gacan birana ku qabtaan cid kasta oo qarankan duulimaad ku ah.
Ugu danbayn waxa aan ku talin lahaa in la garab sitaago cid kasta oo gacan ka gaysan karta falkan waxshnimada ah, Axmaqnimada ah, Cadawnimada ah ee doqonimadu ku jirto ee ka dhacay saameel.
Sidoo kale waxa aan ku hambalyeynayaa Go’aankii Madaxweynuhu ka qaatay dhacdadan, aniga oo ku dhiiri gelinayaa Cid kasta oo ay khusayso arrintani in ay wax ka qabtaan xoogana saarto, dedaal dheeraadana muujiyaan sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen gacan ku dhiiglayaashii.
Maxamed Saleebaan Cumar (Gaabane)
Hanad_gaabe@hotmail.com
Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories