HomeDhabar Xanuunka Oo Noqday Cudurka Dunida Loogu Cabashada Badan Yahay, Sababta Keenta...

Dhabar Xanuunka Oo Noqday Cudurka Dunida Loogu Cabashada Badan Yahay, Sababta Keenta Iyo Taladiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Xeeldheerayaasha caafimaadka ayaa mar kale ku celiyey digniintoodii ay ku sheegayeen khatarta dhabar xanuunka, waxa aanay bukaanka iyo dhakhaatiirta la tacaalaba dhabar xanuunkaba kula dardaarmeen in aan la dhayalsan xaaladdan.

Koox xeeldheerayaal ah oo ka tirsan jaamacadda Washington ee dalka Maraykanka ayaa tiro-koob dhabar xanuunka la xidhiidha oo ay ka sameeyeen 200 oo dal oo dunida ah, waxa ay ku ogaadeen in dhabarka qaybtiisa hoose ee xanuunsataa ay tahay waxa ugu badan ee dhammaan dadka dunidu si aad ah uga cabanayaan waqtigan la joogo, xanuunka labaad ee loogu cabasho badan yahay dunida ayaa noqday raqabad xanuunka, waxa aanay xeeldheerayaashu sheegeen in sahamintan ay ku ogaadeen in labadan xanuun ay xitaa mararka qaarkood ka kaar badan yihiin wadne xanuunka iyo cudurka duumada.

Cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey waxa ay sheegeen in dhabar xanuunku uu mararka qaarkood dadka hayo sannado badan oo aanay dawadu waxba ku tarin. Arrinta ka sii daranina waa in dhabar xanuunku aanu da’ ku koobnayn balse uu si isku mid ah ugu faafay da’aha kala duwan ee dadka dunida oo ay ku jriaan dhalinyarada weli aadka u da’da yari.

Xeeldheerayaasha oo sidoo kalana baadhay sababaha keeni kara dhabar xanuunka ayaa ogaaday in fadhiga badan ee weliba sida qaabka daran uu qofku u fadhiistaa ay tahay sabab muhiim ah, waxaa soo raaca qoorta oo qofku caadaysto in uu dhinac u leexiyo, taas oo inta badan dhacda marka talefanka gacanta lagu hadlayo iyo marka la isticmaalayo aaladaha casriga ah ee IPad, Tablet iyo kuwa la mid ah.

Sahamintan ayaa lagu ogaaday in dadka dunida maanta ku dhaqan badankoodu ay laba illaa afar saacadood maalin kasta ku qaataan ku hadalka iyo isticmaalka kale talefannada casriga ah iyo aaladaha la mid ah ee aynu kor ku soo xusnay, taas oo ah sabab aad u kordhin karta dhabar iyo raqabad xanuunka dunida dadkeedu sida aadka ah waqtigan casriga ah uga cawdaan.

Ugu dambayntiina waxa ay xeeldheerayaashan caafimaad ku celceliyeen in la iska ilaaliyo in qoorta dhinac ama xagga hore loo leexiyo si looga ilaaliyo in isu-dheelli tirnaanta miisaankeedu lumo. Sida ugu fiicanina waa in qofku uu kor u soo qaado aaladda uu isticmaalayo si uu u soo gaadhsiiyo meel uu arki karo, isticmaalina karo isaga oo aan foorarin, haddiiba uu laba saac oo isku xigta isticmaalana ay fiican tahay in uu yara hakiyo oo uu ugu yaraan shan daqiiqo jimicsado.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories