HomeDhaawac iyo Dhimasho ka dhashay Roob Xooggan oo Galabta ka da'ay Hargeysa

Dhaawac iyo Dhimasho ka dhashay Roob Xooggan oo Galabta ka da’ay Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay, 18 kalena waxa ka soo gaadhay dhaawac waxyeello uu sababay roob weyn oo ka da’ay inta badan Magaalada Hargeysa.

 

Dadka dhaawacmay waxa ku jira ilaa shan Dumar ah, sida uu sheegay masuul ka tirsan Dawladdu.

 

 

blank

 

Roobkan oo hooray abaaro 5:40 Galabnimo saacada Geeska Afrika, ayaa watay dabeyl dhibicda ku lamaanayd oo dumisay guryo kala duwan, Biraha Xadhkaha dabka Xambaara iyo Boodhadhka wax lagu xayeysiiyo.

 

Masuuliyiin u hadlay Dawladda oo uu kamid yahay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo saacado kaddib markii roobku da’ay ka hadlay Warbaahinta ayaa tacsi u diray qoysaska ay ka geeriyoodeen Dadku, kuwa dhaawacmayna ugu duceeyey in alle caafiyo.

 

Masuuliyiinta ayaa shirkaddaha Korantada, kuwa Isgaadhsiinta iyo xarumaha Boodhadhka xayeysiisyada sameeya ku amray in ay Magaalada ka basriyaan qalabka waxyeellada sababta u noqda ee ay kamidka yihiin Biraha Korantada, Boodhadhka iyo Taawarada Isgaadhsiinta gudbiya.

 

Ciidamada kala duwan ee Booliska oo gurmad bilaabay markii roobku qaaday, ayaa wali howlgal gurmad ah ka wada Magaalada, waxaana dadka waxyeelladu gaadhay la keenay Cisbitaalka guud iyo goobaha kale ee Caafimaadka oo lagu dabiibayo.

 

Dhinaca kale, Adeegga korantada ayaa xaafado kamida magaaladda ka maqnaa qadar laba saacadood ku dhaw, iyadoo guud ahaanba uu istaagay dhaqdhaqaaqii ganacsiga iyo isu socodku koranto la’aan, waxaana meelaha dhibaatadaasi ka dhacday kamida Degmooyinka Gacan libaax, 26 June iyo Kood-buur.

 

Qof Ganacsade ah oo la hadlay Gobanimonews, ayaa sheegay “waxaan ku shaqaynayaa oo aan wax ku iibinayaa Tooshka Mobile-ka, waxaanay korantadu maqantahay ilaa markii roobku da’yey”ayuu yidhi Xasan oo ah Dukaanle degen Xaafada Sh. Nuur.

 

Shirkaddaha bixiya adeegga Korantada oo ay ugu weyn tahay SOMPOWER ayaa ka dhego-adaygay awaamiir dawladdu ka soo  saartay mashaqada sanad walba xilliga roobka ka dhalata Biraha iyo xadhka sida loollanka iyagoo isku dhex daadsan meel walba u teedsan.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories