Home“DFID waxay ka taageertay Somaliland abuuritaanka 23 kun oo shaqooyin rasmi ah...

“DFID waxay ka taageertay Somaliland abuuritaanka 23 kun oo shaqooyin rasmi ah iyo 105,000 shaqooyin maalinle ah oo…”

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

London (SLpost)- Xukuumada Somaliland ayaa qirtay jiritaanka taakulo dhaqaale oo loogu talo-galay in dalka laga hirgeliyo shaqo-abuur loogu talo-galay dhalinyarada dalka, kaas oo qayb ka ah sanduuqa horumarinta Somaliland ee dalka Ingiriisku taageero.

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey taageero dhaqaale oo shaqo-abuur tira badan xambaarsan oo dawladda Ingiriisku ku caawisay Somaliland, ayaa tilmaamay in dalka Ingiriisku yahay wadanka koowaad ee deeqaha ugu badan siiya Somaliland, marka laga yimaado Midowga Yurub, isla markaana uu maalgeliyo mashaariicda ugu badan ee laga fuliyo dalka.

Baroness-Sayeeda-Warsi, Dr Sa'ad Ali ShireDood dhex-martay Mudaneyaal ka tirsan Aqalka Odayaasha Ingiriiska, su’aalo ku saabsan taageerada dhaqaale ee xukuumadda David Cameroon ugu yaboobday Somaliland, ayaa lagu sheegay in dawladda Ingiriisku kaga qayb-qaadato sanduuqa horumarinta Somaliland taageero dhaqaale oo loogu talo-galay in shaqo abuur loogu sameeyo 23 Kun oo qof iyo 105,000 oo shaqo maalmeed ah.

“Ingiriiska waxa ka go’an inay Somaliland gaadho horumar iyo xasilooni ka tisqaadda guud ahaan gobolka.

Ingiriisku waxuu kala shaqeeyaa Somaliland dhisida awooddooda la dagaalanka argagaxisada, iyadoo la raacayo xeerarka iyo shuruucda xuquuqal-insaanka.

Waaxda horumarinta Caalamka (DFID) waxay ka taageertay Somaliland abuuritaanka 23 kun oo shaqooyin rasmi ah, iyo 105,000 shaqooyin maalinle ah oo dadka mushahar qaataan,” sidaa waxa tidhi Sayeed Warsi oo su’aal arrintan ku saabsan lagu weydiiyey Aqalka Odayaasha ee Ingriiska.

Sidaa awgeed, Wargeyska Himilo waxa Wasiirka Qrosheynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire waxa ka weydiiyey jiritaanka arrinta la xidhiidha dhaqaalaha tirada badan ee dawladda Ingiriisku ugu talo-ga Shaqo-abuurka, waxaanu ku jawabay, “Hay’adaha ay lacagaha soo mariyaan waxa ka mid ah Baanka Adduunka oo wada mashruuca qiimahiisu gaadhayo 10 Milyan, ee taageerida ganacsatada, lacagta ugu badan Ingiriiska ayaa bixiya. Mashruucaasi waa shaqo abuur, inta badana waxa lagu doortaa mashaariicda lagu fulinayo tirade shaqooyinka ay abuurayaan. Waxay kaloo lacagta ugu badan bixiyaan mashruuca Sanduuqa Horumarinta Somaliland, oo ilaa 34 Milyan Ingiriiska ayaa bixiyey. Hay’ado badan oo QM ah ama ING’s oo marka la isu geeyo shaqooyin badan abuura.

Wasiirka Qorsheynta Dr. Sacad oo la weydiiyey jiritaanka shaqooyin maalinle ah oo gaadhaya ilaa 105,000 oo dawladda Ingiriisku sheegtay inay ka taageertay Somaliland, waxa uu ku jawaabay, “Dhab ahaan waxa jira, hay’ado la shaqeeya Wasaarada Shaqada iyo Qoyska oo shaqo abuur sameeya, ama kuwa kale ururrada maxaliga Somaliland qabtaan, ama kuwa Qaramada Midoobay qaarkood, waxaa marka la xisaabiyo, way gaadhayaan sida ay sheegeen, ilayn innaga ayaan xisaab ku hayne, iyagu qolo walba wixii ay ka soo qaadday xisaabteedii way hayaan.

Dhaqaalaha ugu badan waxaynu ka helaa Midowga Yurub, dalka ku xiga waa Ingiriis, mashaariic fara badan oo hay’ado kala duwan ay gacanta ku hayaan ayey maalgeliyaan.

Lacago fara badan ayey inna siiyaan, nimankaasi (Ingiriis) aad buu inoogu wanaagsan yahay,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda qorshaynta Qaranka.

XIGASHO: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories