Home“Dekedda Berbera badbaado ayay u baahan ahay iyo inay muwaadiniintu fahmaan in...

“Dekedda Berbera badbaado ayay u baahan ahay iyo inay muwaadiniintu fahmaan in dekedda Berbera tahay cashuurtii laga ururiyey”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

WhatsApp Image 2017-04-03 at 1.42.20 AM“Waxaan adduunyo ka dhicin isla markaana fool-xumo, liidasho iyo damiir-xumo ah, hanti dadweyne oo laga dhisay cashuurta iyo dakhli-ururinta uu dal leeyahay in si fudud loogu wareejiyo shirkad iyo dawlad shisheeye”

Chicago (SLpost)- Guddoomiyihii hore ee Garabka dhalinyarada Xisbiga Kulmiye ee Woqooyiga Ameerika Maxamed Mawliid Cali Haybe, ayaa ka hadlay maal-geshiga dekedda Berbera iyo saamaynta uu ku leeyahay dhaqaalaha bulshada iyo arrimo kale oo la xidhiidha sharciyadda loo maray wareejinta Dekedda Berbera.

Siyaasi Maxamed Mowliid oo ay wehelinayaan xubno tiro badan oo ka mid ah saraakiishii u sar-sarreysay Xisbiga Kulmiye laantiisa Woqooyiga Marayanka, ayaa dhowaan iska casilay xilalkii ay xisbiga u hayeen, kaddib markii ay musuq-maasuq iyo cadaalad-darro ka tirsadeen hoggaanka sare ee Xisbiga u qaabilsan Woqooyiga Ameerika oo wada-shaqayn la’aan iyo tix-gelintii ay lahaayeen oo laga gaabiyey ku eedeeyeen.

Haddaba, Maxamed Mowliid oo isaga iyo aqoonyahanno dhalinyaro ahi dhawaan shir kaga qayb-galeen macadka Daraasaad Siyaasadda ee magaalada Chicago ee dalka Maraykanka oo lagu faaqiday doorka Dhalinyarada iyo ka qayb-qaadashada kobcinta dimuqraadiyadda curdinka ah dalalka dunida saddexaad, waxa uu si gaar ah uga hadlay una dhaliilay nidaamka sharci ee loo maray wareejinta dekedda Berbera iyo saamaynta ay ku yeelanayso muwaadiniinta.

Ugu horeyn, Aqoonyahan Maxamed oo warbaahinta qaarkeed la hadlay, waxa uu tafaasiil ka bixiyey kulanka ay kaga qayb-galeen magaalada Chicago, waxaanu yidhi, “Dhowaan waxaan ka qayb-galay aniga iyo aqoonyahanno kale oo facayga ah kulan ku qabsoomay xarunta daarasaadka siyaasadda ee Chicago, waxa halkaas lagaga hadlay dhalinyarada iyo sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen horumarinta dimuqraadiyadda dalalka dunida saddexaad oo aynu ka mid nahay. Runtii halkaas waxaanu ku soo bandhigay Somaliland iyo dimuqraadiyadda ka jirta iyo sida dadkeeda shacabka ahi waxa u qabsadeen. Runtiina waxay noo ahayd fursad aanu halkaas uga gudbinnay Somaliland iyo sida looga yaqaano adduunyada kale gaar ahaan reer Galbeedka oo maanta Maraykanku hormuud u yahay.”

Maxamed waxa kale oo uu ka hadlay Maalgeshiga Dekedda Berbera iyo sifada sharci ee loogu wareejiyey Shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka UAE, waxaanu ku dooday inaanay jirin sharciyad adduunka ka jirta oo waddan shisheeye u ogolaanaya la-wareegista hanti dan-guud ah oo cashuurta dadweynaha lagu dhisay.

“Wax Cusub adduunyada kama ah maal-geshiga dawladaha iyo waddamada shisheeye ku sameeyaan dalal kale, balse waxaan adduunyo ka dhicin isla markaana fool-xumo, liidasho iyo damiir-xumo ah, hanti dadweyne oo laga dhisay cashuurta iyo dakhli-ururinta uu dal leeyahay in si fudud loogu wareejiyo shirkad iyo dawlad shisheeye isla markaana muwaadiniintii dalka u dhashay ay shaqaale hoosaad u noqdaan.

“Taasna micnaheedu wuxuu noqonaya in goobihii danta guud ee ay cashuurtooda ku dhiseen ay uga marti-noqonayaan muwaadiniin shisheeye, walibana aanay ahayd dadkaasi qaar haysta darajada labaad ee muwaadinimo (Double Citizenship). Balse ah dad sidii Jug-soo-dhacay samada lagaga keenay,” Sidaas ayuu yidhi Maxamed Mowliid.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Dekedda Berbera badbaado ayay u baahan ahay iyo inay muwaadiniintu fahmaan in dekedda Berbera tahay cashuurtii laga ururiyey.”

Xukuumadda Somaliland, ayaa heshiis malaayiin Dollar ku kacaya oo Dekedda Berbera lagu maalgelinayo la gashay shirkadda DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta, iyadoo qorshahan ay aragti kala duwan ka muujiyeen Shacabka iyo siyaasiyiinta dalka.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories