HomeDekeda Berbera oo Guul Ballaadhan ka soo Hoysay Qiimeynta Carwo Caalami ah...

Dekeda Berbera oo Guul Ballaadhan ka soo Hoysay Qiimeynta Carwo Caalami ah oo lagu Qabtay Dalka Itoobiya (SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Addis Ababa (SLpost)- Dekedda magaalada Berbera ee Somaliland ayaa wacdaro la taaban karo ka muujisay Carwadda 6aad ee caalamiga ah ee Ganacsiga ee  Itoobiya (6th Ethio-chamber international Trade Fair), ka dib markii ay kaalinta labaad ka gashay markii la qiimeeyey adeegyadeeda iyo sida bandhiggii ay halkaas ka muujisay, waxaana ka horreeyey oo kaliya shirkada Isgaadhsiinta dalka Itoobiya ee Ethiopia Telecom.

Carwadan oo shirkadihii iyo Wakaaladihii ka qayb-galay oo ka badnaa kumaan kun isaga kala yimi adduunka iyo qaaradda Afrika, waxa ay ku soo bandhigeen ganacsiga iyo adeegyada ay hay’ad kasta ama Shirkad kastaa ka u qabato bulshooyinka ay u adeegaan.

dekedaWefti ka socda Dekedda Caalamiga ah ee Berbera oo uu hoggaaminayo Xoghayaha Gaarka ah ee Maareeyaha Dekeda Berbera Cabdiraxmaan Aar Jaamac iyo Kuxigeenka Madaxa Waaxda Shaqaalaha ee Dekeda Berbera Axmed Haybe Warsame oo Carwada ka qayb-galoay, ayaa goobtaasi siweyn ugu soo bandhigay Muuqaal qurxoon ka tarjumaya Dekeda Caalamiga ah ee Berbera iyo adeegyada baaxada leh ee ay u qabato bulshada, sida dejinta iyo rarista badeecooyinka xoolaha iyo agabka kale iyo qiimaha ay mandaqada ugu fadhido iyo istaraatiijada ay juquraafi ahaan leedahay.

Xoghayaha Gaarka ah ee Maareeyaha Dekeda Berbera Cabdiraxmaan Aar Jaamac oo warbaahin ka socotay Somaliland kula hadlay goobta ay Carwadu ka socotay, ayaa ka Hadlay dareenkiisa ku aaddan kaalinta ay kasbadeen Carwada, ayaa yidhi, “Carwadani waxay ahayd tii lixaad ee qabsoonta ee ganacsiga oo ay kasoo qeybgaleen wadamo afrikaan ah, safaaradaha Yurub ee Itoobiya fadhigoodu yihiin sida safaarada Sweden oo aanu is-ag deganayn iyo ganacsatada afrikaanka iyo Itoobiyaanka. Waxanu runtii usoo bandhignay sida xukuumada Somaliand iyo maamulka Dekeda Berbera ee Maareeyuhu u horeeyo ay usoo dhaweynayaan ganacsatada Afrika iyo Itoobiyaba istaraatiijiyada ay leedahay dekedu juquraafi ahaan iyo si ay ugu dhowdahay bulshada reer Itoobiya ee ganacsatada ah waxanu soo bandhignay qoraalo iyo muuqaalo ka hadlaya dekeda oo ay shaqadu ka socoto.”

dekeda3Waxaanu intaasi ku daray oo yidhi, “bulshada reer Itoobiya waxay ka dharagsanyihiin muhiimada ay leedahay dekeda Berbera hadaba shahaadadan kaalinta labaad ee anu ka galnay carwadani waa guul usoo hoyotay horumarka dekeda iyo xukuumada somaliland waxaanu agaasimayaasha carwadani ka markhaati keceen siday ay dekeda u qaban karto shaqo kasta oo ganacstada afrika iyo itoobiya u baahdaan” ayuu kusoo koobay hadalkiisa.

Ku-xigeenka Madaxa Waaxda Shaqaalaha ee Dekeda Berbera Axmed Haybe Warsame oo isaguna dareenkiisa ka hadlay, ayaa yidhi, “Sharaf weyn ayay noo tahay inaan ka qeybgalnay carwadaasi oo aanu soo hoynay guusha kaalinta labaad sida loo soo bandhigay waxqabaddka iyo hawlkarka dekeda caalamiga ah ee Berbera.”

Dekeda Berbera ayaa dadaal weyn ugu jirta sidiiay kasban lahayd ganactasada Itoobiya oo marinka badda ee Berbera isticmaala mustaqablkana la doonayo inay si weyn u isticmaalaan dekeda Berbera, waxaanay shahaadada lagu siiyey inay kaalinta labaad ka gasho carwadaasi muujinaysaa sida ay dekeda Berbera ugu diyaarsantahay Buuxinta kaalintaasi.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories