HomeDegmooyinka Buuhoodle, Dilla iyo Qorilugud oo Ambalaasyo Lagu Wareejiyay

Degmooyinka Buuhoodle, Dilla iyo Qorilugud oo Ambalaasyo Lagu Wareejiyay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargaysa(SLpost):- Guddoomiyeyaasha  saddexda gobol ee Gabiley, Buuhoodle iyo Awdal ayaa saddex gaadhi oo Ambalaas ah ka gudoomay Wasiirka wasaaradda maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan .

Munaasibad loogu tallo galay wareejinta deeqdan oo ka qabsoontay xarutna cisbitaalka guud ee magaalada Hargeya ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye), Wasiirul dawlaha xannaanada Xoolaha Cabdirashiid Riyoraac, badhasaabada gobollada Gabilay, Buuhoodle iyo Awdal iyo marti sharaf kale.

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa hadal ka jeedisay munaasibadaasi waxaanay tidhi “Wasaaradda Maaliyad ahaan waxaanu u wareejinaynaa wasiirka caafimaadka saddex gaadhi oo Ambalaas ah si uu  ugu wareejiyo badhasaabada saddexda gobo lee Gabilay, Buuhoodle, Awdal, si ay iyaguna ugu sii wareejiyaan degmooyinka hoos yimaada ee Wajaale, Qorilugud iyo Dila, oo baahi wayn u qaba Ambalaasyada, baahidaas oo nagu kaliftay wasaarad maaliyahd ahaan in aanu u raadino, ILLAAHAY mahadii maanta waanagaa ku wareejinay.”

Marmo Samsam Cabdi Aadan waxa kale oo ay intaa  ku dartay “Waxa kale oo aanu ku wareejin doonaa cisbitaalka Hargeysa iyo cisbitaalada kale ee dalka daawooyin uu safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabtu dalka keenay. Wasaarad maaliyad ahaan waxaa naga go’an in aanu kaalin mug iyo miisaan leh ka qaadano kabka iyo horumarinta cisbitaalada dalka oo laf dhabar u ah caafimaadka ummadeena.”

Wasiirka caafimaadka Saleebaan xaglatoosiye oo ka hadlay madashaas waxa uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa wasiirka maaliyadda Somaliland marwo Samsam Cabdi Aadan oo aad iyo aad noogala shaqaysa arrimaha caafimaadka, waa wasiir aad iyo aad u wax qabad badan horumar ballaadhan gaadhsiisay cisbitaaalka, tan iyo intii la soo bilaabay cisbitaalkana tacab badan ayay gelilyeen Samsam iyo alla ha u naxariistee odaygeediiba.waxaanu guddoonsiin doonaa shahaado sharaf weyn oo ay ku mutaysatay kaalinta iyo waxqabadka ay ka gaysato arrimaha caafimaadka dalka.”

Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa isaguna madashaasi hadal ka jeedyay waxaanu yidhi “Runtii baahiyihii aanu gobolka uga soo gudbinay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland ayay arrintani ka mid ahayd, waanan uga mahad naqayaa wasiirka sida ay nooga ajiibeen oo aan ahayn tii koobaad, waa tii labaad, waxaanuna rajaynaynaa baahidayadu weli ma dhamee in qaar dambena aanu heli doono, gobolka oo ah buuralay, xeeb ah oo dhul aad ballaadhan ah aad baana loogu baahan yahay, waana Ambalaaskii shanaad ee gobolka ka shaqeeya, waxaanan rajaynayaa in aanu qaar kalena heli doono.”

Sidoo kale, waxaa iyaguna madashaasi hadal ka jeediyay badhasaabka gobolka Gabilay mudane Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) iyo badhasaabka gobolka Buuhoodle,waxaanay dhamaantood mahad naq ballaadhan u jeediyeen wasiirrada caafimaadka iyo maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye.

Somalilandpost.net. Hargeysa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories