HomeDegmada Faraweyne oo markii u horeysay Yeelanaysa Cusbitaal Lagula Dagaalamayo Cudurka Qaaxada

Degmada Faraweyne oo markii u horeysay Yeelanaysa Cusbitaal Lagula Dagaalamayo Cudurka Qaaxada

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Saleebaan Axmed Ciise (Xaglo-toosiye), ayaa dhagax-dhigay cusbitaal lagu daweyn doono xannuunka Qaaxada (TB) oo laga dhisayo degaanka Faraweyne ee Gobolka Hargeysa, iyadoo weftiga wasiirka si ballaadhan loogu soo dhaweeyey degaankaas.

Xaflad loo sameeyey dhagax-dhiga cusbitaalkan oo ay maalgelisay hay’adda World Vision, waxa ka qaybgalay Wasiirka Caafimaadka Somaliland, Xildhibaan Cabdicasiis Aadan Habane oo ka mid ah Golaha Degaanka Hargeysa, Madaxa Waaxda TB-da ee Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sayid Ismaaciil Xasan, Suldaanka Guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaah, Guddoomiyaha Degmada Faraweyne Mr. Faysal Maxamed Jaamac, salaadiin, waxgarad iyo dadweyne kale.

dhagaxUgu horreyn waxa xafladdaas ka hadlay Caaqil Axmed Aw Nuux oo sheegay in deegaanka Lafta-faraweyne uu ka arradan yahay adeegyada bulshada, cusbitaalka la dhagax dhigayna yahay tallaabadii u horreysay ee wax loogu qabanayo, taas oo uu uga mahadceliyey Wasiirka Caafimaadka Somaliland.

Prof. Mowliid Maxamed Muumin oo isaguna ka hadlay madasha, ayaa faahfaahiyey baahiyaha ka jira deegaankaas, waxaannu yidhi; “Cusbitaalkan waxa uu muujinayaa calaamad ah dhibic yar oo raxmad ah oo ku dhacday meel abaar ah, deegaankana waa mid ballaadhan oo ka arradan adeegyo badan.”

Xildhibaan Cabdicasiis Aadan Habane oo ka mid ah Golaha Degaanka Hargeysa, ayaa xafladda ka sheegay in Golaha Deegaanka Hargeysa aanu weli gaadhin in uu wax ka qabto degmooyinka ka baxsan magaalada Hargeysa, sida Faraweyne iyo Lafta-faraweyne, laakiin ay ku dedaali doonaan in ay wax-qabadkooda gaadhsiiyaan degmooyinka, isagoo xusay inay muhiim tahay in la daboolo baahiyada kala duwan ee adeegyada bulshada.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Suldaan Mowliid Cali Sabayse oo sheegay in xukuumadda ay ka doonayaan inay helaan saamigii waxqabad ee ay ku lahaayeen dawladda, waxna laga qabto adeegyada bulshada, sida waddooyinka, xarumaha caafimaadka iyo waxbarashada.

Ugaas Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Magan (Jabane), ayaa xafladdaas ka caddeeyey in deegaanka Fara-weyne oo ka kooban 38 tuulo aanu lahayn cusbitaal, kuwaasoo dhakhtarka ugu dhow yahay Magaalada Hargeysa, farxadna ay u tahay in cusbitaalkaas loo dhagax-dhigo.

Madax-dhaqameedka kala duwan ee halkaas ka hadlay waxa ka mid ah Suldaan Maxamed Daahir oo tilmaamay in caafimaadku muhiim u yahay bulshada, loona baahan yahay in cusbitaalka la dhagax-dhigay aannu noqon mid la iloobo, balse dhismihiisana la dedejiyo.

“Mudane Wasiir, maaha in wasiirku inta uu dhagax-dhigo, kadibna sidaa lagu iloobo ee waa in dabo-gal lagu sameeyo fulinta mashruuca la dhagax-dhigayo, lagana shaqeeyo sidii loo dedejin lahaa dhismaha cusbitaalkan oo degaanka Faroweyne aad ugu baahan yahay,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Daahir.

Suldaanka guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdiraxmaan Suldaan Cabdillaahi ayaa xafladdaas ka sheegay in deegaankaas uu ka arradan yahay waxqabadka xukuumadda, loona baahan yahay in qiimaynteeda dib loogu noqdo, waxaannu yidhi; “Degmada Faraweyne waa degmo qadiimi ah oo taariikh ku leh Somaliland, waxayna halbawle u tahay halgankii loo soo galay dalka, laakiin nasiib-darro waxqabadkii wuu ka ragaaday oo si fiican looma gaadhsiin, waxaanan leenahay waa in xukuumaddu waxqabad ka samayso degaanka Faraweyne, waxa kaloo aan mar walba ka fikiraa in degmada intaas le’eg ay darajadeedu tahay C (heerka saddexaad). Waxa aannu leenahay degmada Faraweyne uma qalanto darajada C-da ee halkaas dib ha loogu noqdo, waanan ka xunahay in qayrkeed dib looga dhigo.”

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Faraweyne Mr. Faysal Maxamed Jaamac oo sheegay in degmo horumar ka samaysay dhinacyo badan muddada uu xilka hayey.

“Waxyaabaha aasaasiga ah u nolosha waxa ugu horeeya caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha, degmadda Faraywene-na waxay ka kooban tahay 38 tuulo oo aad u kala fog oo tuulo walba wax badan u jirto tuulada kale, waxaanna degmada ka jira xarun MCH ah oo si fiican u shaqaysa, iyadoo degmadu ka faa’iidaysato mashruuca la yidhaah marwo caafimaad oo ay joogaan hablo loo tababaray caafimaadka iyo gargaarka hooyooyinka, cusbitaalkan la dhagax-dhigayna waxa uu sii kordhinayaa adeegyada caafimaadka ee degmada ka jira,” ayuu yidhi Mr. Faysal Maxamed Jaamac.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories