HomeDEGDEG: Garabka Isbahaysiga Kulmiye Oo Ku Dhawaaqay Inay Qaadaceen Guddida Dhex Dhexaadinta...

DEGDEG: Garabka Isbahaysiga Kulmiye Oo Ku Dhawaaqay Inay Qaadaceen Guddida Dhex Dhexaadinta ee Madaxweynuhu Magacaabay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

 

Hargeysa(SLpost):-Isbahaysiga musharaxiinta xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye ayaa ku dhawaaqay inaanay ogolayn guddidii uu madaxweynaha somaliland u magacaabay xalinta khilaafka ka taagan xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Xubnaha isbahaysiga musharaxiinta oo shir uga socday mid ka mid ah hudheelada Magaalada Hargeysa , shirkaas oo ay kaga hadlayaan muranka ilaa haatan ka taagan musharaxnimada xisbiga Kulmiye iyo go,aanka ay ka qaadan doonaan.

Musharax Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka mid ah musharaxinta damacsan inay ku tartamaan xisbiga Kulmiye oo ka hadlay shirka haatan u socda ayaa ku dhawaaqay inaanay ogolayn guddida uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay dhex dhexaadinta khilaafka xisbiga, waxaanu sheegay inaanay marna ogolaan doonin wixii ay guddidaasi soo saarto

Musharax Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay sababta ay u qaadacayaan gudidaasi ay tahay in ay gudidu u shaqeeyaan madaxweynaha “Sababta aannu u qaadacnay waxa weeyaan dhammaan gudidan la magacaabay waxa ay u shaqeeyaan madaxweynaha” ayuu yidhi Maxamed Biixi

Isbahaysiga musharaxiinta ayaa mudaba laba jeer ka baaqday kulan uu madaxweynaha somaliland doonayey inuu isku soo hor fadhiisiyo labada garab eek u tartamaya musharaxnimada xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye, waxaanay ku doodeen inaanu madaxweynuhu dhex ka ahayn tartanka ka dhex taagan xisbiga.

Dhawaaqa ka soo yeedhay xubnaha isbahaysiga musharaxiinta xisbiga Kulmiye ayaa ku soo beegmaya iyada oo wakhti yari ka hadhsan yahay qabsoomida shirka golaha dhexe ee lagu dooranayo musharaxa xisbiga.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories