HomeDEG-DEG: Qarax Mar kale Caawa ka dhacay magaalada Hargeysa

DEG-DEG: Qarax Mar kale Caawa ka dhacay magaalada Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Qarax dhawaaqiisa laga maqlay qaybaha kala duwan ee magaalada, ayaa caawa abbaabor 9:30-kii Fiidnimo ee saacadda Geeska Afrika ka dhacay  dhacay magaalada Hargeysa, waxaanu dhawaaqiisu la mid yahay qaraxii xalay magaalada ka dhacay.

news1Goobta Qaraxu ka dhacay, meel aan wax yar u jirta madaxtooyada Somaliland, gaar ahaan agagaarka dugsiga Sare ee Faarax Oomar, waxaana dhawaaqiisa laga maqlayey qaybo badan oo xaafadaha magaalada ah.

Taliyaha Booliska Somaliland oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan dad lagu tuhunsan yahay qaraxa xalay dhacay oo uu ku sheegay inuu ahaa nooca Macmalka ah, mana jiro khasaare uu geystay Qaraxa.

Qaraxa xalay oo abbaaro 12:30kii habeenimo la maqlay, ayaa ka dhacay Meel biyo-mareen ah oo dhinaca ku haysa waddada laamiga ah ee daba-marta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, gaar ahaan halka ay ka bilaabanto waddada laamiga ahi ah oo dhinaca Woqooyi kaga beegan Xarunta hay’adda Shaqaalaha ee sii dhex-marta Guryaha la odha jiray Hindiya Laynka.

Lama garanayo illaa hadda ujeeddada qaraxa, waxa sababay iyo nooca uu ahaa toona. Hase-yeeshee, waxa loo malaynayaa inuu la mid yahay Qaraxii xalay ka dhacay magaalada.

Qaraxyada noocan ah oo xilligii xukuumaddii UDUB ka dhici jiray magaalada Hargeysa, ayaa haba yaraatee la garanayn cid ka dambaysa iyo ujeeddo laga leeyahay, haseyeeshee dadka magaalada qaarkood oo ka dareen celiyey ayaa ku tilmaaamay mid siyaasadeed oo tuhunkeedu dhinacyo badan geli karo.

“Walaahi anigu waxaan u malaynayaa inay tahayn Bambo shaanidii dadka lagu wareerin jiray barigii Daahir Riyaale, waayo qarax dhacaya oo aan cidna wax u geysanayn, filimkaa anigu waan fahmi waayey,” sidaa waxa yidhi mid ka mid ah dadweynaha Hargeysa oo ku jaah-wareersan qaraxyada iyo cidda ka dambaysa.

Isha ku hay Somalilandpost wixii warar ah ka soo kordha.

 

SOMALILNDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories