HomeDEG-DEG: Madaxweyne Siilaanyo oo Xilalkii ka qaaday Taliyihii iyo Abaanduulihii Ciidamada Qaranka,...

DEG-DEG: Madaxweyne Siilaanyo oo Xilalkii ka qaaday Taliyihii iyo Abaanduulihii Ciidamada Qaranka, Masuuliyiin Cusub-na Magacaabay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, 09 January, 2012 (SLpost)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta xilkii ka qaaday taliyihii guud ee ciidamada qaranka Md. Maxamed Xasan Cabdillaahi (Jidhif) iyo abaandulihii ciidamada qaranka Md. Ibraahin Caydiid Axmed Ibraahin Caydiid Axmed. Taliyaha cusub ee ciidamada qaranka waxa loo magacaabay General Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale), halka abaanduulaha ciidamada qaranka loo magacaabay Cabdilaahi X. Jaamac (Calas).

Labada digreeto ee madaxeynuhu masuuliyiintaas cusub ku magacaabay, kuwii horena xilka kaga qaaday waxa ay u dhignaayeen sidan:

“Taliyaha ciidamada qaranka

Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xilkii ka qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka qaranka, kuna magacaabay taliye cusub.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:  In baahi loo qabo in la dar-dar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;

Markuu Tixgeliyey:  La tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;

Markuu Arkay:       In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

WUXUU GO’AANSADAY;

In General, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale)laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Taliyaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xilka qaadis

Madaxweynuhu waxa uu taliyihii hore ee Ciidamada qaranka Mudane, Maxamed Xasan Cabdilaahi (Jidhif)   uga mahad-celiyey mudadii ay wada shaqaynayeen , gudanayeena waa-jibaadka, ka saaran qaranka.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu taliyihii hore u sheegay in Xilalka Qaranka ay tahay macnihiisu meerto soo noq-noqata oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL.

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay General, Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqale) oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Madaxweynuhu waxa uu Faray Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Taliyaha Ciidanka Qaranka JSL.”

Dhanka kale, Digreetada uu madaxweynuhu xilka kaga qaaday Abaanduulihii hore ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana uu ku magacaabay abaanduulaha cusub ayaa u dhignaa sidan:

“Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu xilkii ka qaaday Abaandulihii Hore ee Ciidanka Qaranka JSL, kuna magacaabay Abaanduule cusub.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:     In baahi loo qabo in la dar-dar geliyo hawlaha Ciidanka Qaranka;

Markuu Tixgeliyey:         La tashiga Madaxda ay arrintani khusayso;

Markuu Arkay:           In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

WUXUU GO’AANSADAY;

In Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac (Calas) laga bilaabo taariikhda Xeerkan uu ahaado Abaandulaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Xil ka-qaadis

Madaxweynuhu waxa uu Abaanduulahaa hore ee Ciidamada qaranka Mudane, Ibraahin Caydiid Axmeduga mahad-celiyey mudadii ay wada shaqaynayeen , gudanayeena waa-jibaadka qaranka.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Abaanduulaha Ciidanka Qaranka JSL.

Haddaba waxaan kaa rajaynayaa in aad si niyad sami ah ugu wareejiso xilka aad haysay Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac (Calas)oo aan xilkan isaga u igmaday in uu ahaado Abaaduulaha Cusub ee Ciidanka Qaranka.”

SOMALILANDPOST NEWS

Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories