Home“Deegaanka waxa ku jira Xubin aan is-odhan karo Wasiirkaba way ka shilistahay”

“Deegaanka waxa ku jira Xubin aan is-odhan karo Wasiirkaba way ka shilistahay”

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

DHOLAYAREHargeysa (SLpost)- Aadan Axmed Cilmi (Aadan-Dhoolayare) oo xil-wasiirnimo ka soo qabtay xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale tiraba laba jeer, xilliganna ka tirsan Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye, ayaa markii u horeysay si faahfaahsan u sharraxay sababtii uu ku kalliftay inuu isu-sharraxo Doorashadii Goleyaasha deegaanka ee dalka qabsoontay dabayaaqada sannadkii 2012-dii.

Aadan Dhoola-yare, ayaa ka hor diyaar-garowgii doorashada Goleyaasha deegaanka ee xilligaas furtay Urur-siyaasadeed lagu magacaabi jiray Wada-jir oo ku hadhay qiimayntii urur-siyaasadeedyada, balse waxa uu markii dambe ku biiray, guddoomiye ku-xigeennada ka noqday urur-siyaasadeedkii RAYS oo ka qayb-qaatay tartankii doorashada Goleyaasha deegaanka, kaas oo uu isaga sharraxay Golaha Deegaanka ee Hargeysa oo aanu ku guulaysan.

Mr Dhoola-yare waxa uu arrintan kaga hadlay barnaamijka Milicsiga Siyaasiga oo ka baxa telefishanka Universal, kaas oo lagu weydiiyey sababtii ku kalliftay in isaga oo xilal Wasiirnimo ka soo qabtay Xukuumaddii UDUB uu isugu sharraxay Golaha deegaanka Hargeysa.

“Bartilmaameedka aan hiigsanayey wuxuu ahaa inaan markaan ugu yaraado maayar ku-xigeen ka noqdo dowladda Hoose haddaan ku soo bixi waayo maayarka, haddaan soo bixi lahaana waxay u dhici lahayd sida ay maanta tahay. Caalamka markaad eegto, sida Maraykanka oo kale, waxa madaxweyne noqdo nin Badhasaab soo maray. Markaa waligay way igu jirtay inaan magaalada Maayar ka noqdo, waayo waxaan aaminsanahay inay dowladda Hoose tahay aasaas fiican oo aad wax ku gaadhi karto meel ka sarreysa, waayo ninka Maayar ka noqda Caasimad sida Hargeysa oo kale madaxweyne ayuu noqon karaa, waayo Caalamka rag badan oo maayarro soo qabtay, ayaa markii dambe madaxweynayala noqday,” Sidaas ayuu yidhi Aadan Dhoola-yare oo u warramayey Weriye Faysal Fadh-Fadhle.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Markaa aniga hiigsigaygu kaas ayuu ahaa, mana odhan karo Wasiirbaad ahayde maxaad deegaanka isugu sharraxday, waayo deegaanka waxa ku jira Xubin Shilis (Maayar) oo aan is-odhan karo Wasiirkaba way ka shilistay.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories