HomeDedaalka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo dib u Habayntiisu waa Madi….! W/Q-Cabdiraxmaan Cadami

Dedaalka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare iyo dib u Habayntiisu waa Madi….! W/Q-Cabdiraxmaan Cadami

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Dal kastaa markuu dib u haybayn samaynaayo waxaa lagama maarmaan ah in la ogaado meesha hada la joogo ee laga dhaqaaqaayo iyo yoolka la higsanaayo

Dal kastaa markuu dib u haybayn samaynaayo waxaa lagama maarmaan ah in la ogaado meesha hada la joogo ee laga dhaqaaqaayo iyo yoolka la higsanaayo, waxa la hayo ee lagu hawl galayo iyo caqabadaha horyaala ama ka horiman kara.

 

Dabcan dalalku waxay ku kala duwan yihiin xaga haynta ama hantida iyo waliba xaga cududa shaqaalaha (aqonta, xirfada iwm), laakin wax kasta oo fursado ah oo aad haysato is bedalku ma hirgalo haddii hogaanka dalku aanu la iman go’aan adag iyo rabitaan dhab ah (commitment). Reform-ku waa siyaasad guud iyo barnaamij loogu talo galay in kor loogu qaado tayada hay’addaha dalwada oo dhan ma aha wax hay’ad kaliya loogu talogalo sababta oo ah hay’ad kasta waxay la shaqaysaa ama la shaqeeya hayado kale oo aanay hawshoodu socon Karin la’aantood, tusaale ahaan maxkamadaha waxaa la shaqeeya wasaaradaha cadaalada, arrimaha gudaha, caafimaadka iwm, waxaa la shaqeeya xeer ilaaliyaha guud, bilayska (saldhigyada iyo CID-da), ciidamada asluubta (Jeelasha) waxay hayaan hawlo isku xidhxidhan oo aan sinaba u kala maarmi Karin. Sidaa awgeed waxa loo baahnaa in la sameeyo dib u hayban isku dhamaystiran si ay iskula jaan qaadaan.

 

Dhinaca kale si loo hubiyo habsami u socodka reform-ka sidii loogu talo galay waa inuu jiraa guddi awood badan oo u xil saran isku dubaridka iyo qiimaynta hay’adaha ka gaabiya iyo sababaha ku keenay dib u dhaca.

 

Marka aan u soo daadago nuxurka maqaalka gudoomiyaha maxkamada sare Md Aadan X. Cali Axmed wuxuu bilaabay inuu isbedal iyo dib u habyn ku sameeyo garsoorka, wuxuu qaaday dhawr talaabo oo loo baahnaa oo dadweynuhu aad u soo dhaweeyey ama lagu amaanay isla markaa waxaa hadaladiisa laga dhadhansanayaa  inay ka go’antahay inuu soo celiyo kalsoonidii shacabka iyo in garsoorka la aamino.

Way fiican tahay masuul kasta meesha uu joogaba in uu muujiyo dadaal laakiin reform-ku xaga hoose kama tago oo kor uma baxo, refom-ka guulaysanaya wuxuu ka yimaada xaga ugu saraysa (from the top management). Qorshe aad looga baarandegay kadib waxaa loo soo dhaadhicyaa xaga hoose si loo dhaqan galiyo, wuxuu daadku qaadaa ama seeftu la tagtaa kuwa is hortaaga ama ka gaabiya geediga ama hayaanka.

Si kastaba ha ahaatee masuulka kaligii la yimaada isxilqaan dheeraad ah ama reform u gaar ah wuxuu ku dambeeyaa laba arrimood mid ka mid ah:

  1. In uu si degdeg ah u niyad jabo marka uu madaxda ugu saraysa ka waayo taageeradii looga baahanaa iyo marka uu iskaashi buuxa ka waayo hay’adaha kale ee la shaqeeya; si kale haddii loo dhigo markuu ka gudbi kari waayo carqaladaha iyo jalaafada kuwa ka soo horjeeda isbedalka ayuu isaga oo jaahwareersan naftiisa la cararaa ama inta uu is dhiibo ayuu iskala qabsadaa xaladihii hore iyo sidii ay ahaan jirtay.
  2. Inuu dedaalkiisa eedo oo loo arko nin guuxiisa ka dheereeyey ama fara fareeyey meelo lama taabtaan ah iyo in loo arko inuu yahay gudoomiye aan u dhaga nuglayn amarada madaxtooyada sidaa awgeedna xilkiisa ku waayo. Ujeedaydu ma aha in aan niyada ka dilo gudoomiyaha cusub balse waxaan ku dhiiri gelinayaa in uu dadaalkiisa sii wado halka ay la gaadhoba, kaliya waxaan sheegayaa waxa jira iyo duruufaha ku gadaamadan iyo in dadaalkiisu madi yahay.

 

Cabdiraxmaan Cadami

abdirahmanadami@yahoo.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories