HomeDAYRO (Maanso) - W/T: Cabdiraxiim Cismaan Maxamed.

DAYRO (Maanso) – W/T: Cabdiraxiim Cismaan Maxamed.

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Maansadan oo loogu wanqalay DAYRO, waxa curiyey hal abuur Cabdiraxmiim Cismaan Maxamed. Sida ka muuqata Magaceeda, waxa uu hal-abuurkani kaga hadlayaa hab-dhaqanno ka soo horjeeda horumarka iyo muwaadinimada oo bulshada qaarkeed caadaysatay.

Maansada Daryro waxa ay tidhi:

Dayriyo waa maanso deel
Dawan sidatiyo caroog
Dabuub iyo waa dhambaal
Dareen wadatiyo daliil
Dariiq iyo waa xal-doon,

Dannina maahoo ka dheer
Deel-qaaf iyo maaha cay
Duruus iyo waa su’aal
Halkay dantu maanta taal
Maxaa dawadeenu tahay,

Afartaa kuu daroo
Dushaada ku saydhiyee

Dalleensi adoon u arag
Bal doodani dhagaha sii
Su’aalahan doorka mudan
Xalkoodana ila dawee,

Wuxuu yidhi daakiroow

Kumaa garanaaya doob
Degree marinaaya samir
Guushuna ay daalisoo
Farriin u diraaya ciil ?

Kumaa garanaaya dagal
Siyaasi danaysta’oo
Waxyeeladu door u tahay
Sannado u dabaabo-xidhan ?

Kumaa garanaaya dagal
Qabyaaladi doorisoo
Wanaagii dalaw ka riday ?

Kumaa garanaaya duul
Waxay danta guud ahayd
Ka door biday tooda gaar ?

Kumaa garanaaya daris
Samaantaadana ka dida
xumaantaadana dalbada
Haddana aan kuu darrayn ?

Intaasoo laysku daray
Xalkooduna sii durkayo
Kumaa ugu maqan dabiib ?

Afartanna waa dareen
Dubaaqaagana ku eeg,

Barbaarteennii dirnayd
Maxaa dabar adag ku xidhay
Maxaa garba-duub u xidhay
Maxaa diihaalka baday
Maxaa docda qaadka dhigay
Markii danta laga fushaday
Maxaa daad-xoor ka dhigay ?

Adaa sahaloow darsee
Markay doorashadu timaad
Dabuub wacanaa dhamaan
Ha duulin dalkaaga joog
Anaa kuugu maqan daryeel
Danyarteenaan waxsiin
Maxay ballan-qaad da’aan.

Maxay daadshaan adduun
Sun iyo deebaaq noqdoo
Duqaydu ku kala tagtaa
Barbaartana kala diroo
Dadweynuhu kala socdaan
Maxayna badaan dir-sooc,

Maxay hebel daacadoo
Dantiisa ku fooganaa
Siduu u dabooli laa
Qabyaalad ku soo dabaan

Maxayse ku doobbiyaan
I dooroo ii dadaal
Hadhawna ku diirsadaan
Naftooda ku doojiyaan
Wixii dagal dhami lahaa,

Illeen geel daaqsintii
Arrin kama daalacdee
Wixii maantuun u daran
Muxuu ka diyaarsadaa.

Mukhtaarow dooda kale
Iyana waxay daarran tahay
Haddaan kaan doortay iyo
Barrito kii doonayaa
Noqdeen sida uliyo diir
Xageen u dad doorsadaa ?

Intaasi dareeriyoo
Daleedana soo dhigee

Halkuu qayrkaa mar dego
Kasii durko uu dallaco
Dawgeed u martaa haddaba ?

Ma daawo ha sii durkaa,

Dugsiga gurigaaga joog
Digriga nabigana ku hay
Docdaaadana jiif miyaa ?

Tahriib oo dooni raac
Dilkana isu qool miyaa ?

Intaad duubato caqaar
Maqaaxi ka dood miyaa
Dantaada ku seeg miyaa
Hankaagana duug miyaa ?

Alloon kaa dhigin damiim
Is doori aduu miyaa
Damiirkana aas miyaa ?

Waxaa dulucdaydu tahay
Hankaagu inuu dayaxa
Cadceeda dusheeda yaal
Inay dawadaada tahay,

Waxaad doonayso garo
Daboolka dushiisa yaal
Dahaadhka ku sii lingaxan
Dadaalku inuu ka furo
Samirku dillaacin karo
Ma-daale daloolin karo,

Dunuubtuna waa wax weyn
Ku seeja bartii darnayd
Dantaadu waxay ahayd
Ducaysoo daayin bari
Dariiqii nebiga raac.

Taariikhduna waa da’weyn
Diiwaan iyo waana keyd
Xusuusaha lagu daree
Dayriyo ii gali dan-jire
Halkaa maantana ku daa.

W/T  Cabdiraxiim  Cismaan Maxamed

Email: Guudle-11@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories