HomeDayo iyo sabeennaha Daawo Kama dhexaysee! - Faysal Cumar Madar

Dayo iyo sabeennaha Daawo Kama dhexaysee! – Faysal Cumar Madar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

FaysalSanadkii hor ee Hijiryada ilaahow haraatidiisa nagadu kan cusubna hirddidiisa ilaahow na hareer mari. Somaliland oo aad moodo in dadkii wadnaha farta ku hayaan oo mugdilagaliyay jiritaankii ayaa hadana waxa maalin walba qaar laga barako badan yahay ayaa intii hore in ugu daraya.

Waxa aynu ognahay in dalku leeyahay sadex gole oo kala ah sharcidajin (Guurti iyo Wakiilo) iyo Golaha xukumada oo oday Axmato hogaamiyo, sida aad wada ogaydeen waxa in dhawayto inaga bariiqday Golihii Guurtida oo shaqaddii ay kala wareegeen ama hadaydoonaan ay ku wareejiyeen Wasiiro, Waxa aad arakayso iyagoo waa wasiiradiiye macal beelaha isku dhaca iyagu dhexgalaya oo sii murginaya.

Inkastoo golihii Guurtida aan la odhan Karin wuu inaga xumaaday ama wuu inaga Gaboobay oo inta ugu da’ada wayni ay tahay kuwo aan garaad ku ogahay marka laga reebo Shir-Gudoonka , hadana Goluhu waxa marag laga yahay inaanu sidii hore ahayn oo uu xukumada gacanta u galay. Waxa aynu ogayn in dhawaan murano badan dabadeed ay xisbiyadu ku heshiiyeen Gudidii Doorashooyinka, ka dibna golaha wakiiladu oo fasax ku jiraa ay mudeeyeen Fadhi aan Caadi ahayn maalinkii bishan Tobnaad 19 ahayd ayaa waxa ay ku balameen Kal Fadhi aan Caadi ahayn isugu yimaadaan goluhu waxaana loo mudeeyeen 25-26 oo ku beegnayd manta oo Axada si ay labadan qodob:

  1. Si ay unsixiyaan Xubnihii Gudidii Doorashada iyo
  2. Si ay u Dhagaystaan Qudbada Wasiirka Maaliyada ee Miisaaniyada 2014

Hadaba maxaa dhacay? Waxa dhacay in xalay lagu wargaliyay qaar Wakiilada ka Mida in ay Bari Seexdaan Si aanay goleha Kooramku ugu buuxsamin, waayo Qaarkamida Golaha oo lahaa Waxaanu kala taageersanahay Siilaanyo iyo Ciro ay iskugu Hanjabayeen in Xilka Xayuubin Kusamayn doonaan Midba MIdka kale waa Ciro iyo Siilaanyee.

Waxaan Hadaba Shaki ku jirin Wakiilada Muxaafidka ah oo an anigu u aqaan in ay (Wakiilkayihiin uun Calooshooda) ayaa waxa ay manta umarag fureen in Siilaanyo Kasoo Horjeedo Indoorasho Qabsoonto 2015, ilaahay labadaba nagumasoo celiyee waayo ? marka qaar ka mida wasiiradiisu ay Xildhibaanadii ka kiraysanayaan in Ay seexdaan .

Inkastoo sanadkasta Golaha wakiilada Kharash Badan loo Qorsheehyay Ayaan ilaa imika Lagu guulaysan in Damiirkoodu sii yo Wax Bulshada u dana tusaale waxa Sanadkan Dhamanaya ee 2014ka Ku baxay $ 2, 979537.04 (laba milyan, sagaal boqol sagaaliyo todobaatan kun shan boqol todobiyo sodon doolar).Sidoo kale waxa sanadkan soo socda ee 2015 loo qoondeeyay   $ 3,121304.06 (sadex milyan, boqol iyo kobiyo labaatankun sadexboqol iyo afar doolar)

Bulshadii inteedii kale waxaan leeyahay Talaa Kaa Gadmane wax isku Gaygayso Sadex inoo kala Doora:

  1. In aynu Labada Gole ee Wakiilada Iyo Guurtida ku Wada wareejino Xukumada
  2. Iyo in Golaha wakiilada qaybta Calooshooda Kiraysay aynu Lacag u ururino
  3. Iyo in aynu labada Garab Ee Axmed Siilaanyo iyo Ciro ka Qaldan Aynu Basar Wax ugu sheegno

Waxaan doonayaa in aan xasuusiyo bulshada sanadii 1997 Maanso uu Marxuum Mujaahid Macalin Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye ka hortiriyay Shirwaynihii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Lagu doortay tixo uu kula hadlayay Golihii Wakiilada ee Xiligaa:

Dayo iyo sabeennaha

Daawo kama dhexaysee,

Haddii loogu daw-galay

Inaan dacawga weeraro

Malaa waxa ka door roon

Inaan doqonka eersado

Duunyada ku aamminay.

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories