HomeDaymada Wargeyska Ogaal: Wanjal Maaha Hal Abuur Kaambayn Oo Iib Geli Kara

Daymada Wargeyska Ogaal: Wanjal Maaha Hal Abuur Kaambayn Oo Iib Geli Kara

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Somaliland waxa weli ka socda ollole doorasho oo ay sadex xisbi ugu beretamayaan hogaanka dalka. Hannaan wanaagsan ayuu ku bilaabmay markii hore , hase ahaatee haatan ma murkucasho la’a.

Arbacaddii todobaadkii hore oo xisbiga Kulmiye kaambaynka u lahaa, fagaaraha magaaladda Burco Murashax Muuse Biixi wuxuu ka jeediyay khudbad qaybo badan oo ka mid ahaa xanaf iyo xajiin lahaayeen, damaq iyo doog horre xoqayeen, isla markaana loo arko in ay meel ka dhac ku ahayd ilbaxnimadda ollolaha. Muuse wuxuu hadalkiisaa si wayn ugu eeddeeyay murashaxa xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro. Wuxuu ku tilmaamay nin soomaaliya looga taliyo oo aan lagu aamini karrin taladda, isla markaanna wuxuu ku baannay in aan la aqbali karrayn in uu Cirro qabto taladda. Weedhihii uu ka yidhi fagaarahaa waxa ka mid ahaa; “Dalka ku aamini mayno, dalka lagu aamini maayo ninka xamar looga soo talinayo oo laga soo hambalyaynayo. Ninka looga talinayaa isagay u taallaa, shacabka somaliland baa xukumi doonna. Lagu aamini maayo nin Xamar laga taageeray dalka, taa Somaliland aqbali mayso, qaranku aqbali maayo, Anaguna aqbali mayno, kaadhkeenaynu ku joojinaynaa, yaan laysu dhuumanin”

Hadalkaa Gudoomiyaha waxa barbar socday muuqaal dad la abaabulay Xamar lagaga soo duubay iyo waraaqo lagu baahiyay baraha bulshada ee Internetka, kuwaasoo dhamaantood u dhacayay in Gudoomiye Cirro xidhiidh la leeyahay Soomaaliya. Dhamaan qoraaladdaa iyo muuqaalka la baahiyay waxay noqdeen qaar aan abtirsiimo sax ah lahayn oo fashilan. Maaha markii u horaysay ee xisbiga Kulmiye ku eeddeeyo xisbiga Waddani xidhiidhka soomaaliya. Sidaa aawadeed, xisbigga Waddani wuxuu dhankiisa ka bixiyay eeddayntaa jawaabo badan, isla markaana waxay ku sheegeen wararkaa been abuur iyo dacaayad uu xisbiga Kulmiye ka dambeeyay. Sidoo kale waxay ku tilmaameen Kulmiye mid u xuubsiibtay fidmo iyo kala qaybinta bulshada. Guddoomiye Cirro laftiisu jawaabta uu ka bixiyay weerarkaa kaga yimi dhigiisa wuxuu u waydaariyay eeddayn culus waxaanuu yidhi; “Saaxiibkay Muuse kaadh keliya buu yaqaannaa. Waa kaadhkii uu xoqay 1994, laakiin kaadhkaa waa la isticmaalay oo waa laga baxay. Waxaan leeyahay Xamar waxba yaynaan ku meeraysan. Saaxiibkay Muuse waxaan leeyahay miyaad illowday inaad Madaxweyne Siilaanyo la beegsatay dil. Miyaad illowday 1994 inaad ducaddii iska diidday oo aad dagaal sokeeye ridday. Miyaad illowday in ka badan laba kun oo wiil oo dagaalkaa ku dhintay inay ku aasan yihiin Burco. Miyaad illowday……”
Dad badan oo waxgarad, siyaasiyiin, cullimo iyo dad kale oo labbeenta umadda ka mid ah ayaa ka hadlay halista ka dhalan karta dhawaaqyadda dhiilo sidka leh ee xusuusta dadka dib ugu celinaya waayihii xumaa ee soo maray. Waxa loo arkaa wanjal soo noqnoqday oo weli wax laga deyayo. Xeelad ahaan waa currin ka soo jeedda dabin siyaasiya oo hore darka loogu kala riixday 1994, haatanna isticmaalkiisu wuxuu u eg yahay uun mid mar kale looga dan leeyahay duudsi. Sanadihii dhawr iyo sagaashanaadkii waxa Somaliland isku dillay ‘reer hebel Xamar bay doonayaan aan jirrin’ isla markaanna waxa lagu waayay fidmaddii wanjalkaa dad badan. Sidaa darteed maanta lama eeggayn oo weliba lagama fillayn murashax Madaxweyne dhawaaq doorashadeena dib ugu celiya qalloocii iyo fool xumaddii shalay ee laga bogsaday. Sidoo kale ma qurux badna in khaladka laysu magaabiyo ee waxa haboon kuu ka dhacayna inuu raaligelin ka bixiyo, ka kale ee la eeddeeyayna inuu is difaaco balse aanuu gacanta la gelinin sidda hadda dhacday oo kale. Haatan iyo dan, sadexda murashax waxa la gudboon inay dadka wax kaga doonnaan barnaamijyaddooda, isla markaanna ay la yimaadaan hal abuur iyo currin ay dadku iibsadaan. Waayo, wanjalku maaha hal abuur kaambayn oo iib geli karra.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories