HomeDayir Lagu Wareejinayay Dugsiga Cadaadlay oo Taliyaha Ciidanka Qaranka Shaqale Xadhiga Ka...

Dayir Lagu Wareejinayay Dugsiga Cadaadlay oo Taliyaha Ciidanka Qaranka Shaqale Xadhiga Ka Jaray

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Cadaadley(SLpost)-Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqalle ayaa xadhiga ka jaray Deyr weyn oo Ciidanka Qaranka Somaliland kaga qayb-galaayey dib u dhiska Dugsiga Sare ee Cadaadley

Munaasibad balaadhan oo Deyrkan Ciidanka Qaranku ku u dhisay Dugsigan Cadaadlay lagu wareejinaayey oo lagu qabtay xarunta Dugsigan ayaa ugu horeyn hadalo kooban oo mahadnaq ah kasoo jeediyey Gudoomiyaha Degmada Cadaadlay Md.Cumar Nuur Xuseen isagoo si weyn ugu mahadnaqay Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale oo uu tilmaamay inuu sidii loo baahnaa uga soo baxay balankii uu kaga soo balanqaaday inuu uga soo baxay ,Gudoomiyaha ayaa sidoo kale waxa uu xusay in Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Ismaaciil Shaqale iyo Ciidankiisu mudo kooban oo aan dhamayn Sadex Todobaad ay ku dhamaystireen inay dayrkaas balaadhan ee tayada badan kusoo wareejiyaan Dugsiga.Sidoo kale waxa uu Gudoomiyaha Degmada Cadaadlay waxa uu u mahadnaqay Taliyaha Hawlgalinta Guud ee Ciidanka Qaranka Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale iyo Askartii tirade badnayd ee xoogooda ku dhisay Deyrkan.

ciidanka

uldaan Maxamuud oo ka waramaayey doorka uu deyrkani ka qaatay dib u dhiska Dugsiga ayaa waxa uu yidhi”waxa aan halkan uga mahadnaqayaa Taliyaha Ciidaanka Qaranka Somaliland oo aan uga mahadqayaa sida wadaniyada leh ee uu uga qaybqaatay dhismaha dugsigan oo uu ka qaatay qaybtii ugu muhiimsanayd oo ah inuu daboolay kharashkii ku bixilahaa deyrka oo kharashkii ku bixilahaa oo lagu qiimeeyey 50,000$ ku bedelay silig iyo kaabado shuba oo uu ku wareejiyey dugsiga isagoo ka faaiideeyey Man Powerkii Ciidanka oo dhisay deyrkan oo ah mid ka tayo badan oo lagaga maarmay deyrkii qaaliga ahaa ee ay ku baxaysay lacagtaasi xadiga badan iyadoo isla markaasina uu ka faa’ideeyey farsamadii iyo xoogii ciidanka Qaranka.

Suldaan Maxamuud Xaaji Aadan ayaa sidoo kale kajawaabay Eedo dhawaan saxaafada loo mariyey Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Ismaaciil Shaqale taas oo lagu eedaynaayey Deyrkan Taliyuhu ugu deeqay Dugsigan oo uu yaraantiisi kasoo baxay isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi” Waxa aan halkan doonayaa inaan kaga jawaab eedo insho la’aan ah oo maalin dhawayd ay Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Guuto Ismaaciil Shaqale qaar kamida waxma-garatada Somaliland ku xajiimaynayeen ,Kuwaas oo aan u aragno inay yihiin dad ka xun horumarka dalka gaar ahaan Deegaanka Dagmada Cadaadlay”

Gabagabadii.Munaasibadan ayaa waxa hadalo kooban kasoojeediyey Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sareeye Gaas Ismaaciil Shaqale isagoo isla markaasina ugu horeyn u mahadnaqay Askartii iyo Saraakiishii ka socday Ciidanka Qaranka ee hawshan gacanta ku hayey iyo sidoo kale maamulka degmada oo si fiican ugala hawl-galay intii ciidanku ku hawlanaayeen dhismaha Deyrkani

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories