HomeDA'YE YAA DUWI? W/Q. XUSEEN-MAHDI XASAN XUSEEN

DA’YE YAA DUWI? W/Q. XUSEEN-MAHDI XASAN XUSEEN

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Duruufta iyo dhibku waa duruus dadka soo marta, taas oo ah mid baraysa sidii dhiggeeda looga gaashaaman lahaa.

blank

Baahidu waa mid mar walba jirta, bal se waa mid halgan loogu jiro sidii looga bixi lahaa. Haddii waayuhu wax kuu kordhin waayo, waa astaan muujinaysa in nolasha aad ka dhacsan tahay ama aad ka saaqidday.

Akhriste, waxa aad ogtahay in abaar baahsan oo muddo dheer la arag ku habsatay Soomaalilaand, gaar ahaan goballada galbeedka, waxa ay ahayd oo wali ay tahay mid xanuun badan oo qoys kasta damaqday.

Waxa ay ahayd abaar dad iyo duunyo daciifsay oo waliba noole badan nolasha dhaafisay, afka ayeynu gacanta galinay innaga oo
qayla doon diranaynna, dhabannada ayeynu gacanta saarnay innaga oo caalwaa innaga muuqdo, kuwo aynnu is haynay ayeynu martinay. Waxaas oo dhan maxaa keensaday? Is wayddii haddii aad dareentay dhibkii iyo saxariirkii dhacay.

Hore ayaa loo yidhi aabbihii ummadda (Aadan)”CSW”, haddii uunkan dib ugu soo noqon lahaa, uu odhan lahaa “kuwan aan wali dhulka wax ku soo kordhin maxay ahaayeen?” Waxa uu is wayddiin lahaa waxa dhulkii uu ogaa sida labada naas ee buurta Hargeysa bari ka saarani isku beddalin.

Waa xaqiiq mudane, haba sii fogaan fadlan, ee is wayddii dhibicdaa maanta da’day halka ay ku shubmayso, mar kale garashada godal oo is wayddii 4 billood ka dib waxa la sii dhigtay.

Biyaha oo la xidho iyada oo la samaysanayo biyo xidheenno iyo dhaamam, waxa ay kafaynaysaa wax soo saar ballaadhan oo kaajo lagaga gaashaanto iyo haqabbeel biyo, xitaa waxa ku noolaanaya dhulka maanta dhintay. Yey se tahay in ay qabato? Meel madax ka sarraysa oo la salaaxaa ma jirto, sidaa awgeed kuwa xilka loo igmaday ee hoggaanka haya waa xil saaran, waxa kale iyana mihim ah in bulshadu isku tashato oo iyadu wax wada qabsato.

Kharashaad aan loo baahnayn ayaa la gala, meelo aan baahiyi ka jirin ayaa lagu bixiyaa, muran iyo laaluush ayaa xoolo dhan lagu lumiyaa, xitaa ka soo qaad kharashaadka ku baxa xilliyada abaaraha ayaa wax badan qaban lahaa, hore ballan qaadyo badan ayaa jiray se aan la garanayn meel ay ku baaqdeen iyo waxa baajiyey.

caqligu waa in uu shaqeeyaa waa haddii dalkan iyo dadkan in wax loo qabto loogu talo-galay

Inta siyaasi, wadaad iyo warranle wada duryamayaan ayey dantii ummaddani lumaysaa. Waa ayaan darro inteeda leeg in xaalkeenu noqdo maalin aynnu oomannahay iyo maalin aynnu qoyannahay.

Ummad qorshe lahayn waa ummad nolal rabin.

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories