HomeDayaxan iyo Arladan is Qooraansanaya

Dayaxan iyo Arladan is Qooraansanaya

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Bal duul Alloow ila jeedaaliya dayaxan iyo arladan is-qooraansanaya, isku sidkan sidii hal iyo nirigteed, aan kala fogaanayn,  haddana is gaadhaynin, majareyaasha ay kala  marayaanna aanay mar qudha is laanqayraynaynin, , jeeroo dhulka sidii dermo loo laablaabo, kaddib  marka Saacadda Qiyaame timaaddo,  kala dhantaalnaanina ku dhacdo isu dheellitirankii iyo habsami-u-shaqayntii Kawnka.

 

Dahabo iyo Deyr waa laba isbidhaansada, isqooraansada, isuna qaba kalgacayl oo goor walba isu soo hilooba sidii laba qof oo laabahoodu isku xidhan yihiin, marka uu midba ka kale isha ka qaadona wadneyaashooda ay ka gedmadaan habdhacii isku sar jaran ee dhiigtuurka halboowleyaashoodu.  Dahabo iyo Deyr ammin dheer ayay isu qalbi furnaayeen, isu qushuucsanaayeen, isna quuddarraynayeen.

 

Sida aanay dayaxa iyo arladu isu gaadhin, una sii kala fogaanin, isa saamayntooduna tahay mid joogto ah, ayay si la mid ah Dahabo iyo Deyr, goor iyo ayaan,  isku yeeshaan saamayn wax-ku-ool ah.   Raadaynta dayaxu ku lee yahay arlada waxa ka mid ah awoodda cufjiidashada ee badda ka kicisa  maayadaha meelo fog ka hira, dhalisana buuxsanka iyo caarriga badda – taas oo u dhigmi kara sidii neefsasho noolaha laabtiisa  si xilliyaysan kor iyo hoos u dhaqdhaqaajin karta.  Maxaa se u diidaya sidaas, miyaanay iyaduba ahayn  arlo nool!

 

Isku wareegga Dayaxa iyo Arlada  iyo hooyadooda ka sii weyn ee Cadceedda, waxa ka dhasha   dayaxmadoobaadka iyo cadceedmadoobaadka. Dhacdooyinka dayax/cadceed madoobaadka oo  jira ama la arki karo goor kooban, waxa xilliyo hore loo aqoonsanaa qaar aadamaha ku abuuri jiray filashooyin aan la mahadin oo laga bilkeedsado dhiillooyin,  muruqo, cabsi iyo hoog.

 

Si la mid ah sida uu Dayaxa innoogu soo baxo ama innoogu bidhaamo  bil cusub,  ugu sii caddaado afar-iyo-tobnaad, ugu shiikho bil sii libdhaysa, daahana ugu sii rogto gudcur, waxa ay Dahabo ugu soo baxdaa isaga (Deyr) muuqaallo iyo saansaanno kala duwan: Sida bilnaan, bashaashnimo,  iyo  kaaheeda oo  isa sii baahiya goorba goorta ka dambaysa, soona dabra wadnihiisa, jeer oo la arki karo  in uu jiro ku-dhowaanshiiyo xaggeeda ah oo maragfur u noqon kara tabashooyinka wadnihiisa.

 

Ayaan darro se, sida Dayaxa iyo Arladu ay u kala weyn yihiin, isla markaana ay ugu kala socdaan jidad kala duwan oo aan weligood kulmaynin, ayaa si la mid ah isaga iyo iyadu aanay marnaba majareyaashoodu isu laanqayraynin.

 

Isagu waa waayeel sii gaabinaya oo gabow sii  gerbiyayo, waayuhu si tartiib-tartiib ah u soo dabrayaan.  Dahabo se (sida dayaxa oo kale) jiiro kasta oo ay soo samayso, waxa ay isaga (Deyr) ku dhaaftaa jeeraaro.  Sidaas daraaddeed, waxa uu  naftiisa hoos ugula xanshashaqaa in ay is-oggolaysiiso saansaanka dhabta ah ee ku sheeggan odhaahda caanka ah “hadhkaaga ama dantaada lagama boodo”.  Waa sidaas e, waxa uu waayadan dambe laabta ka jeclaystaa  in  xawaaraha ay Dahabo isaga ku dhaafayso sii kordhiso, siina labalaabto; maxaa yeelay, kol haddii aanay labadoodu is gaadhaynin, inta ay kolba u sii muuqatoba, waxa ay u tahay boholyow iyo damqasho.  Sidaas daraaddeed, waxa uu  go’aansaday in uu ku sagootiyo ‘noolow oo nolosha cusub soo dhawee!’   Waxana ay, ugu dambayn, isla af garteen in ay jacaylkoodii ku soo dabbaalaan mid ruuxi ah, keliya sidii walaalo dar Eebbe isu xidhiidhiya,  balse ka  midaysan fikirka iyo aragtida nololeed, iskuna maamuusa midhaha ka dhasha ama ka baxa maan-hadalkoodu iyo male’awaalkoodu.

 

 

W/Q: Axmed Ibraahin Cawaale

aiawaleh@gmail.com

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories