HomeDayax-madoobaad noociisu Dhif yahay oo laga dareemay Caalamka, Dabeecadaha lagu yaqaano iyo...

Dayax-madoobaad noociisu Dhif yahay oo laga dareemay Caalamka, Dabeecadaha lagu yaqaano iyo Aragtiyaha khubarada Cilmi-falagga

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Dayax-madoobaad dhammeystiran (Full Lunar Eclipse), ayaa subaxnimadii hore ee Isniintii Saaka laga dareemay qaaradaha Afrika iyo Eeshiya, gaar ahaan bariga Qaaradda Afrika kaddib markii laga soo baxay salaaddii Subax, iyadoo la arkayey in dayuxu dhammaantii uu madoobaaday.

Dayax-madoobaadkan oo laga arkay Caalamka oo dhan Subaxnimadii hore iyo qaybihii dambe ee habeenimadii iyo subaxnimadii hore ee Isniinta maanta 28 September qaaradaha Eeshiya, Afrika & Yurub iyo Qorax-dhaca maalinimadii Axadda ee shalay oo laga arkay qaaradaha Koonfurta iyo Woqooyiga Ameerika, ayaa lagu tilmaamay dhacdo dhif ah oo rubuc-qarni kasta la arko hal mar.

dataxDayax-madobaadka ayaa magaalada Hargeysa laga dareemay markii laga soo baxay Salaaddii Subax, waxaana masaajidada magaalada laga tukaday Salaad Eebbe lagaga magan-gelayo masiibooyinka ku-cibro-qaadashada mudan ee ku lammaan dhacdooyinkan.

Sida ay sheegaan khubarada cilmi-falagga, Dayax-madoobaadkan waxa sababa marka Dayaxu ku beegmo ama hoos-galo Hadhka Dhulka, taas oo ka dhigan in Dhulku ku beegmo meel u dhaxayso Qoraxdda iyo Dayaxa oo isagu ku tamariya ileyska Qorraxda.

Dhacdadii ugu dambaysay ee Dayax-madoobaadkan oo kale dunida ka dhacay, ayaa ahayd sannadkii 1982-kii, iyadoo dhacdada tan xigta ay culimada cilmi-falaggu ku sheegeen inay soo mar kale soo noqon doonto sannadka 2033-ka.

SOURCE: Wikimedia File
SOURCE: Wikimedia File

Dayax-madoobaadka dhammeystiran, ayaa dhowrkii sanno hal mar ama laba jeer laga arkaa qaybo ka tirsan qaaradaha adduunka, balse dayax-madoobaadkan, ayaa kaga duwan iyadoo laga arko guud ahaan adduunnka xilliyo kala duwan, waxaana astaan u ah midabka Dayaxa oo casaan isku-beddelo, sida ay khubarada cilmi-falaggu sheegaan.

Sida aanu ka soo xigannay jariiradda Daily Telegraph ee ka soo baxda dalka Ingiriiska oo soo xiganaysa Khubarada aqoonta u leh cilmi-falagga, dayax-madoobaadka ku soo beegmay Isniinta Saaka ee bishu tahay 28 September, ayaa soo gebo-gabeeyey taxane Afarle ah oo isku xiga oo dayax-madoobaad dhammeystiran laga dareemay adduunka qarnigii u dambeeyey, waxaanay khubaradani ku xidhiidhiyeen dhacdadan inay isbeddello ku iman doona Arrimo saamayn ku leh dhacdooyinka maalinlaha ah ee adduunka ka dhaca oo masiibooyhinka dabiiciga ahi ka mid yihiin.

path-760Dayax-madoobaadkan, ayaa la sheegay inuu qaadan doono muddo 5 Saacadood iyo dheeraad ah. Dalalka Eeshiya, Afrika iyo Yurub oo dayax-madoobaadku ku soo beegmay xilli maalinimo ah, ayaan laga dareemi doonin muddada intaas le’eg ee Hadhka Dhulku ku daboolnaan doono Ileykiisa, balse waxa laga dareemi doonaa waddamada qaaradaha Koonfurta iyo Woqooyiga Ameerika.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories