HomeDAYAC: (Gabay) - W/T Abwaan Axmed Cabdilaahi (Fartaag)

DAYAC: (Gabay) – W/T Abwaan Axmed Cabdilaahi (Fartaag)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Gabaygan waxaan tiriyay mar aan arkay waxa soo socda. Wixii maalintaa taagnaa aan gabayga tiriyay
Maantay ka darantay, haday muuqataa

Abwaan-Axmed-Cabdilaahi-Maxamud-Axmed-FartaagDagaalkii qadhaadhaa wixii danabyo loo aasay
Dalka oo xoroobiyo wixii loo durbaan tumayay
Danabkii Cabdiraxmaan markuu Dawladnimo qaatay
Dadkii kala fogaadiyo markuu daris walaaleeyay

Cigaal Dawladuu soo dhisay ee damalka loo waabay
Distoorkiyo wanaaguu ka tagay dabadii loo aayay
Dariiqii Asxaabtee la furay doorashiyo foodka
Dimuqraadinimadii wax badan Dunidu faalaysay

Doorkii Riyaaliyo la dhaaf doogii soo baxaye
Maxaa Dawladeenii wacnayd darafyadii goostay
Difaacii hareeraa maxaa dabarka loo saaray
Mise daacad baan jirin runtii lama dabooleene

Dury ankii Qabiilkaa batay oo dudoo shiraye
UDUBTII La Dayrshaa hadana loo dalbanayaaye
Daakhili Wasiirkii ka tagay hadii duurba loo dhiibay
Dakadiina Cali baa qabsaday dalaqii waynaaye
Malaa Daahir baa dhiman ragii dayrka laga saaray

Dawladii cusbayd iyo duul kan wada seexday
Dayacaada Odaygaa nabaday doorkan maanta ahe

Dalku wuu midaysnaan jiray daaf ilaa daafe
Doorkii Riyaalaba ma jirin Gobolo diidaaye
Xilka wuxuu ka daadagay doorashiyo guul
Waakii dardaarmee lahaa dunida gaadhsiiye
Dalka oo midaan kaaga tagay duul walaalo,ahe
Adaa iga danbeeyee wataa dawladii qabo,e

Maxaa Nabada dayrkuu ku xidhay dumiyay seeskeeda
Dacalada galbeed iyo Taleex maxaa reerihii didiyay
Maxaa darafyadeenii ka dhigay Dawladaha goostay

Dadkii kuu codeeyiyo Shacbigu wuu damqanayaaye
Kulmiyaa la doortee muxuu darajo soo hooyay
Dublomaasigaa wayn markii talada loo daayay
Axmedkii la doortiyo ninkii duubka l oo saaray
Ayaa Ururo daadkaa ka badan doobiyaay yidhiye
Yacaada Odaygaa na baday doorkan maanta ahe

Duuroow waxaasoo socdaad daawanayseene
Dabo la qabto male haday dibada gaadhaaye
Dayrkii Xadkeeniyo Wasiir daaradii Guriga
Maxaa Dawlad gaariyo ka dhigay darisyo kaa leexday

Dawladeenii Soomaalind iyo dantii guudba
Citiraafka kii doon la yidhi ee dunida meeraayay
Wuxuu dadayay maantay runtii dibada taalaaye
Dayacaada Odaygaa nabaday doorka maanta ahe
Allow wadajir baan kaa dalbaday daacad samirtaaye
Raboow daalin naga qabo wuxuu cadowgu doonaayo

 

Abwaan Axmed C/laahi Maxamud (Axmed Fartaag)

Gabaygii Dayac 13 jan 2012

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories