HomeDAWO MALAHA RUUXII WADKU SOO DULJOGSADO!!!

DAWO MALAHA RUUXII WADKU SOO DULJOGSADO!!!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Sida aynu lawada socono ee aynu ka wada dharagsanahay isla markaana aynu indheheena ku aragno ama dhagaheena aynu ku maqalo amuuraha aduunyadu isku halayn malaha mana aha meel la isku ilaabo oo deegaan kama danbays ah laga dhigto la iskuna qanciyo macaankeeda dhalaan habaabista ah ee gun lagaadho iyo tiro boqol ah aan midna lahayn.

Maalin walba waxaad maqashaa hebal ama heblaayo ayaa aduunyada ka tagay oo dhintay tii xaqa ahaydna ay u timid ama adigoo dul taagan oo goob joog ah ayey tani dhacdaa sidaa awgeed aduu walaal ma is waydiisay xageed ku danbaynaysaa, dhaxal miyaad u heshay misna damaanad miyaad u haysataa inaad aduunyada ku waarayso, waxaan filayaa

jawaabtu way iska gaaban tahay oo waa maya waxa damaanad ah oo aynu haysanaa ma jirto oo maalin uunbaad ka dheelamane ha isku halayn.

Hadaba iyadoo xaqiiqadu sidaa tahay ayaa hadana waxaad arkaysaa dad aad moodo inaanay dhimanahayn oo ay aduunka joogayaan markaad eegto sida ay u noolyihiin qaab dhaqankooda foosha xun iyo dulmiga ay gaysanayaan.Taasina maaha mid lamahadin doono waayo waxaa ina sugaaya maalinka weyn ee qiyaamaha oo qofwaliba xumaan iyo wanaag kuu soo shaqaystay intuu aduunka joogay gacanta laga saari doono isla markaana qofwalba halkuu xaqa u yeeshay lagu dheelmin doona jano iyo naar ilahay naarta ha inaga bad baadiyo janadana hoy ha inooga dhigo.

Walaal umadu hakaa nabad gasho ha dulmiyin adoo adeegsanayaa awood ilaahay ku siiyay taasi oo noqon karaysa awood dawladeed misna awood jidheed misna awood dhaqaale misna awood aqooneed, runtii awoodahan kala duwani waa cadiyad ama waa hibo ilahay qofkuu doono u hibeeyo isla markaana ku imtixaamaayo bal hada awoodaha ilahay siiyey sida uu ugu dhaqmo ma waxay noqonayaan kuwo uu dadka ku dulmiyo mise waxay noqonayan kuwo uu dadka ugu naxariisto.

Nabigeena suuban naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee waxaa uu sheegay xadiis macnihiisu yahay oo uu asaxaabta u soo bandhigayo qaab waydiin oo kale ah waxaa uu yidhi waar miyaad garanaysaan qofka caydha ah? Asaxaabtu waxay yidhaaheen waa ninka aan wax maal ah lahayn ee faqiirka ah.

Nabigu waxaa uu ugu jawaabay asaxaabta qofka caydha ahi waa qof iman doona maalinka qiyaamaha kaaso oo soo salaaday soona soomay wanaag oo dhana soo shaqeeay balse umada badh uu caayey badh waadulmiyey badhna maalkooda ayuu xaraan ku cunay dabeeto qofkasta oo uu wax ku soo sameeyay ayaa lasoo joojinayaa dabeeto waxaa loo jarayaa xaqii uu ku lahaa waxaa soo hadhaaya isagoo oo aan waxba ahaysan dabeeto waxaa la soo qaadayaa danbiyadii dadka uu dhibay dusha ayaa looga duurayaa dabeeto naarta ayaa lagu tuurayaa.

Ilaahay ayeynu ka magan galaynaa kuwa noocan ah ee dadk dulmiya isla markaana waxaynu ilahay waydiisanaynaa inuu wadada xaqa ah inagu waafajiyo oo ina mariyo.Guntii iyo gunaanadkii waxaan ku soo gaba gabaynayaa (DAWO MALAHA RUUXII WADKU SOO DULJOGSADO)

W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories