Home“Dawldadda Ingiriiska Wax Loo Gudbiyay oo Dacwad ahi Ma Jirto, Waxa...

“Dawldadda Ingiriiska Wax Loo Gudbiyay oo Dacwad ahi Ma Jirto, Waxa La isku Sawiray Uun Dad Ingiriis ah oo Meel Taagan”

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa, (SLpost)- Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa ka hadlay war ay faafisay shabakada Wikileaks oo ku saabsan heshiis la sheegay inuu sannadkii 2012-kii dhex maray dawladda Somaliland iyo Somaaliya , kaas oo la xidhiidhay nidaamka Federaalka, waxaanu uu sheegay in shacabigu goostay qaadiyadooda iyo madaxbanaanidooda.

Maxamed Biixi Yoonis oo shalay magaaladda Hargeysa ugu waramay Telefishanka Horn Cable TV waxa kale oo uu beeniyay warar sheegay in dacwad ka dhan ah Xukuumadda loo gudbiyay dawladda Ingiriiska, waxaanu tilmaamay in arrintaasi ay tahay mid aan xaqiiq ahayn.

“Waxa Allaale iyo wax ka jiraa ma jirto, waa been cad oo xaqiiqada aad uga fog, shacbiga reer Somaliland wey ogsoon yihiin in qaadiyada Federaalku aanay Somaliland shaqo ku lahayn, Somaliland kamay qayb-gelin arrimihii ka socday Garoowe iyo Rod Map-ka, shacriyada Somaliland u taalla iyo Dastuurkeeduna ma ogola Federaal oo Somaliland gaar bay isku taagtay, waxaan doonayaa inaan ku sheego iska daa Federaaloo  shirkii labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya ka dhexeeyay waxaanu joojinay markii ay Soomaaliya ku soo dartay Niman reer Somaliland ah, halkaasay Somaliland ka taagan tahay qaadiyadeeda.

Somalilandna maaha dad lagu tilmaami karo inay khiyaamo wadaan, dadkani waa dad soo halgamay oo noloshoodii bay u soo horeen waxa ay maanta haystaan, waxaanan u haystaa inay fadeexda tahay, ceeb tahay oo qaran dumis ay tahay in maanta dadka reer Somaliland iyo masuuliyiintooda lagu tilmaamo inay khiyaamo qaran sameeyeen , waxaanan ku tallin lahaa dadka masuuliyiinta ah waxaan jirin oo aanay cidina saxeexin, lana gelin karin, walaa Baarlamaan, walaa dawlad inay dadka ugu sheekeeyaan, markaa waxay igu muuqataa qofka masuulka ah ee Ummadda wax ka doonaya waxyaabaha qaarkood ee Ummadda duminaya,”  Ayuu yidhi Md. Maxamed Bbiixi Yoonis.

Wasiirka arrimaha dibaddu waxa uu sheegay in dawlada Ingiriiska aan loo gudbin wax dacwad ah oo ka dhan ah Xukuumadda Somaliland, waxaanu yidhi  “Dawlada Ingiriiska wax loo gudbiyay ma jirto, waxaan la soo qorayna wax ka jiraa ma jirto oo waxaan la xidhiidhay Safiirkayagii Ingiriiska joogay, maxaad arrinkaa war ka haysaa baan idhi?, dadkaasi waa dadka isku soo sawiray Nin Ingiriis ah oo meel taagan oo meel kale ka shaqeeya oo been  fidiyay. Dawlada Ingiriiska waanu la xidhiidhnay  saaka (shalay) halkanay igu imanayaan oo waanu u yeedhnay wax Allaale iyo wax ka jiraa ma jirto, waa iska been abuurkaa habeen iyo maalin la doonayo in lagu cambaareeyo dadka iyo dalka, masuuliyiinta Ummaddana meel kasta cay loo mariyo, markaa anigu waxaan ku tallin lahaa ceebteenna aynu dibadaha u soo saarayno ee aynu caalamka u sheegayno burbur ay dalkan gaadhisiiso mooyee, waxa faa’iido ah oo ay keenaysaa ma jirto.”

Sidoo kale Wasiirku  waxa uu sheegay in Xukuumadd ahaan ay heshiis balaadhan ay la saxeexdeen dawladda Itoobiya, waxaanu yidhi  “Waxaad la socotaa in aanu heshiiskii ugu balaadhnaa la saxeexanay dawladda Itoobiya oo ah mashruuca jidka Berbera illaa Wajaale, waxaanu la saxeexanay Biyaha, Laydhka, Tareenka oo waxyaabaha aanu ka wada hadlaynay  ee maalintii dhaweyd Madaxweynuhu tagay ee Raysal-wasaaraha Itoobiya ka wada hadlaynay , arrimaha ugu waaweyn waxa ka mid ahaa nabadgelyadda, dhaqaalaha iyo arrimahaa aanu wada saxeexanay sidii loo horumarin lahaa.”

 

 

 

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories