Home“Dawlado Ayaa Is Ictiraafa Ee Qaramada Midoobay Wax Ma Ictiraafto" Ismaaciil Buubaa

“Dawlado Ayaa Is Ictiraafa Ee Qaramada Midoobay Wax Ma Ictiraafto” Ismaaciil Buubaa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SL.Post) Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka mid ah Siyaasiyiinta dalka ayaa ka hadlay Doorashooyinka, waxaanu ku taliyey in la tixgeliyo wakhtiga loo cayimay Doorashooyinku inay ku dhacaan.

 

buub

 

Siyaasi Ismaaciil Hurre Buubaa oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay jagada Wasaaradda Arrimaha Guddaha oo markii ugu horeeysay loo magacaabay Beel aan Beesha dhexe ahayn, Xilka Safiirnimo ee Cali Waran-cadde, Diiwaangelinta ka socoto Gobolka Sool iyo dariiqa ugu wanaagsan ee Somaliland aqoonsi ku heli karto, wareysiga aanu la yeelaynay Siyaasi Ismaaciil Buubaana sidan buu u dhacay

 

 

Tan iyo wakhtigii Somaliland xoryideeda ay la soo noqotay waa markii kowaad ee jagada Wasaaradda Arrimaha Guddaha Beesha Dhexe laga qaado oo Beel kale loo magacaabo markaas sidee ayaad u aragtaa?

 

 

Beel kasta ha ahaate qofkii shaqada qaban kara in loo magacaabo jago ayaan anigu qabaa oo aan lagu nisbayn Beel Dhexe iyo Beelaha kaleba, laakiin jagada Wasiirka Arrimaha Guddaha ee loo magacaabay Gobolka Sool waxay ila tahay inay wax badan ka tarayso dalka.

 

 

Wasiirkii hore ee Arrimaha Guddaha Cali Waran-cadde oo muddo dheer Wasiir ahaa, Xukuumadihii kala duwanaa ee dalkana wasiir ka soo noqday, in loo magacaabo Safiirka Somaliland ee Itoobiya sidee ayaad u aragtaa?

 

 

Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya wuu wanaagsan yahay waxaana qabaa in Cali Waran-cadde wax badan ka tari doono, laakiin shaqsiyan sida uu u qaadan doono waa wax kale.

 

Gobolka Sool Diiwaangelintii cod bixinta ayaa ka socota markaas sidee ayaad u aragtaas Diiwaangelintaas?

 

 

Diiwaangelintaas waxaan dadka ku boorin lahaa si aad ah oo firfircoon looga shaqeeyo, dadkuna is diwaangeliyo, Goboladaas Barrigu waa Gobolo Somaliland ka mid ah, kana mid ahaan jiray, waxaana run ah in Somaliland gudaheeda iyo dibadeedaba midna aanay iibin Karin haddii aanay Goboladaasi ka mid ahayn, Diiwaangelintoodana waxaan u arkaa arin aad iyo aad u muhiimsan.

 

 

Waxa la soo bandhigay codsi ay Shacabka reer Somaliland ku doonayaan Aqoonsi, markaas sidee ayaad u aragtaa codsigaas, side se ay Somaliland ku heli kartaa Aqoonsi caalamiya?

 

 

Dareenka Shacabka Somaliland in Caalamku ogaada waa lagama maarmaan,laakiin Dawladdo ayaa is ictiraafa, oo haddii Dawlado ka mid ah Qaramada Midoobay ay Ictiraafaan Somaliland ayaa dabeedeed Qaramada Midoobay loo gudbinayaa, markaas ayaa ictiraafku imanaya, laakiin se in Calaamka la xasuusiyo inay Somaliland u qalanto aqoonsi waa muhiim, laakiin Wasaaradda Arrimaha Dibaddu halka ay ka raadinayso aqoonsiga waa inay noqdaan Dawladaha ku jira Qaramada Midoobay.

 

 

Doorashooyiinka wakhti baa loo cayimay, Wadamada Doorashooyinka ka caawiya Somaliland waalac bay ka muujiyeen qabsoomida Doorashada Wakiilada, Guurtiduna muddo kordhin ayuu Madaxweynuhu ka diiday markaas sidee baad u aragta?

 

 

Waxa wanaagsan wixii umaddu isku og tahay, Caalamkuna kula og yahay, in lagu dhaqmo, oo qaybo ka mid ah Dawladda muddo kordhin baa loo sameeyey, oo Madaxweynaha, Barlamaanka iyo Guurtidaba muddo kordhin baa loo sameeyey, markaas waxay aniga ila tahay in wixi lagu heshiiyey la dhamaystiro, muddo kordhin dambe oo la sameeyana ma wanaagsana, oo wakhti mucayin ah ayaa loo muddeeyey Doorashooyinka, oo umadddu isku og tahay, Calaamkuna inagu og yahay, in wakhti mucayin ah ay dhici  doonaan Doorashooyinkii Madaxweynaha iyo Wakiiladu, waxa wanaagsan in lagu talagalo oo laga shaqeeyo sidii ay ku dhici lahaayeen Doorashooyinkaasi.

 

 

Somalilandpost.Hageys a

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories