HomeDawladnimo Waa Kala Dambayn iyo Duulaanka Cadawga oo lawada Difaacaaye – W/Q:...

Dawladnimo Waa Kala Dambayn iyo Duulaanka Cadawga oo lawada Difaacaaye – W/Q: Cabdirisaaq Askar

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Cabdirisaaq Sh. Cali Askar
Cabdirisaaq Sh. Cali Askar

Horumarka iyo Deganaanshiyaha Dalkeena  waxaa fure u ah in lagu kala dambeeyo oo la isku ixtiraamo Masuuliyadaha kala duwan ee ay u igman yihiin Madaxda Qaranku.  Si horumar usii jirana waa in xaalad kasta  oo dalka dibed kaga timaadana si wadajir ah looga wada hortagaa ama looga jawaabaa .

Sidaynu lawada socono, Qarankeena wakhtigan xaadirka ah waxaa lasoo darsay marxalado kala duwan oo ay kamid tahay weerarada siyaasadeed ee cadawgu usoo maleegayo  oo  ay maanta  taagan tahay in CADAAN (Ingiriis) IYO MADAWBA( Walawayn)  isku keen soo bahaysteen sidii loo curyaamin lahaa qaranimadeena, wadajirkeena , dawladnimadeena iyo horumarka iyo amniga aynu kusoo tacabnay 21 sanno.

Sidaa darted, waxaan maanta BAAQ udirayaa  guud ahaan MADAX IYO MIJO in si wadajir ah loogu  diyaar garoobo hujuumadaa bilawga ah  ee cadawgu inagu soo qaaday. waa in masuuliyiinta Hayadaha kala duwan sida Golayaasha XEER-DAJINTA , AXSAABTA MUCAARIDKA, XUKUUMADDA talada qaranka u igman  loo wada midoobaa . Waa in AFKA IYO ADINKABA la mideeyaa si aynu iskaga caabino duulaamada cadawga.

Talo;  Hadalada qaarkamid ah masuuliyiinta xeerdajinta iyo axsaabta qaranka kasoo burqanayaa waxay HIIL u yihiin Cadawga, waxayna  dhaawac u gaysanayaan Qaranimadda, ee waxaan leeyahay halaga digtoonaado.

Gabagabdii;  dhuuxa tuducyadan:

  • Dawladnimo Waa Kala Dambayn iyo Duulaanka Cadawga oo lawada Difaacaaye.
  • Dadwaynoow dabciga suuban baa lagu dawoobaaye
  • Mar haddaan  duligii  siyaad  jirin  oo duudka naga saran
  • Dulmigii Afweynana  uu daa,im naga qaaday Oo aan dawlad iyo maamul nahay shacabku soo doortay
  • Dawladnimadu waa daha guud oon la   daayicine oo shacbi  iyo dawlad  la iskuwada duubmo
  • Dawlad nimadu waa madaxda oo laga dambeeyaaye
  • Dawlad nimadu waa dunida ood nabad ku daaqdaaye
  • Dawlad nimadu waa shay khalqiga daa,im uu faraye
  • Dawlad nimadu waa qaranka oon wada daryeelnaaye

*     Dawlad nimadu waa dano wadaag daacad loo yahaye, hadaynaan dig toonaan dhamaan waynu dumaynaaye

Wabillahi tawfiiq

Cabdirasaaq Askar

Hargeysa,Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories