HomeDawladnimo durugtay - W/Q: Faarax Maxamed

Dawladnimo durugtay – W/Q: Faarax Maxamed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waa taa mar labaad dib loo noqday. Hannaankii iyo habkii lagu ballamayna la garab maray.

Waxa beri hore la isla qaatay in hab dimuqraadi oo xisbiyo ku tartamaan dalka laga hirdgeliyo si looga nabad galo hoogii iyo halaaggii digtaatooriyadda. Hanaankaas oo butuluqsi ahaa waxa la odhan karaa weli waa labac-labac. Waxana ka muuqda habacsanaan iyo hoos noqosho. Halkii ay ahayd in hore loo mariyo, dib-baa loo guuray geedi kale. Hogaamiyayaasha loo doorto Soamliland way necebyihiin in cid kale la tartanto, welwel iyo walbahaar ayaa ku dhasha markasta oo doorasho la soo hadal qaado.

Geesta kale, madaxdu ma qadariso dadka ay hogaaminyaan-ee soortay, waxay ula dhaqmaan si aad u liidata, garaadkooda iyo garshadoodana waa ay xaqiraan. Waa isugu mid adhiga faraha badan ee arafada dekeda Berbera laga dhoofiyo iyo kumanaanka dad ah ee ku dhaqan, miyi, magaalo, degmooyinka, tuulooyinka iyo inta debedaha jirtaba, ugama duwana geela maalin walba helibkiisa lagu cuno makhaayadaha waaweyn ee Harageysa. Ma jecla Dastuur, Baarlamaan, Sharci , Doorasho, Saxaafad run sheegta. Intaasoo dhan waxay ka door bidaan in dhegohoodu maqlaan, odayada qaylada kulul ee meelahaa kaga muusanaaba anagoo reer Jinni ah!

Doorasdhadii waxay noqotay waxa ugu culus ee cindigooda ku sooo dhaca. Waxa lagu riixaa qolyo aan la dooran, awood sharci iyo mid dastuur aan lahay. Guurtida lama dooran, Guddiga doorashooyinka lama dooran (hadana waxa la siiyey awood xad dhaaf ah). Golaha baarlamanku waa dhacay (expired) wagtigiisii beri hore ayuu dhamaaday.

Qofkii ugu danbeeyey ee xilka ummada loo doortay waxa uu ahaa madaxweynaha; Madaxweynuhuna hadalkisii ugu danbeeyey waa uu ku yidhi sidaan wax u ogahay wax idiinku sheegi maayo.! Sansaanka muuqda Somaliland hanaankii dawladnimo wa garab martay, mana aha mid kama ku dhacay ee mid loo kasay; saadanabayse garan.

Maxaa geydha yoontiyo, Gabayooxa ina baday? Mici good ma fududee, Maskaxdaa gidaadoo, Gudhay oo basaastoo, Damqashada ka guurtee, Lafa-geriba jebinnee, Goormaa la talantalay? Gunnimayna haysee, Miyaynaan gob noqon karin? “Hadraawi”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories