Home“Dawladdan waqtigeedii wuu dhamaaday waxa loo baahan yahay in dawlad midnimo qaran...

“Dawladdan waqtigeedii wuu dhamaaday waxa loo baahan yahay in dawlad midnimo qaran ah la dhiso” Guddoomiyaha UCID

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa, (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta kazoo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, ka dib socdaal uu ugu maqnaa dalka Jarmalka, halkaasoo uu kaga qayb galay shir caalami ah oo lagaga hadlayay ammaanka.

Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, waxaanu ku baaqay in la tixgeliyo heshiiskii ay gaadheen axsaabtu ee lagu soo afjaray khilaafkii ka dhashay muddo kordhintii ay guurtidu u samaysay xukuumadda iyo wakiillada.

“Waxaynu ognahay in saddexda xisbi ay gaadheen heshiis, kaasoo loo baahan yahay in tixgeliyo. Madaxweyne ku-xigeenkuna wuu nala saxeexay, taas macnaheedu xukuumadduna way ku jirtaa weeye, haddaanay kala socon madaxweynaha iyo ku-xigeenku, may ahayn in heshiiskaas ilaa maanta lala sugo, waayo doorashadii way laalan tahay waxay ahayd in la dhaqaajiyo oo talaabadaa ay gaadheen saddexda xisbi la qaado, annagu guurtida waanu ixtiraamaynaa, hase ahaatee waxaanu aragnaa sababaha ay u kordhinaysay inaanay meesha oolin.” ayuu guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxaanu intaas ku daray isagoo hadalkiisa sii wata. “Waxa loo baahan yahay sannad iyo lixdaa bilood in hawlo badan la qabto oo ay ka mid tahay in dawlad la sameeyo, dawladdana waqtigeedu wuxuu dhamaanayaa 26-ka June. Madaxweynuhu wuxuu yidhi dalku sharci buu leeyahay, maaha sharciga wixii isaga taabanaya inuu ka talaabsado, wixii kale uu arko. Dastuurku wuxuu leeyahay shan sanno ayaa madaxweynaha la dhaariyay, shantii sannana way dhamaadeen, wixii hadda ka dambeeya waxa loo baahan yahay in dawlad midnimo qaran ah la dhiso.”

Guddoomiyaha xisbiga UCID waxa kale oo uu ku taliyay in Somaliland ay joojiso wada-hadallada ay la leedahay dawladda Soomaaliya.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories