Home“Dawladda Turkigu Madaxdhaqameedka kama ay Codsan in ay ka Qayb-Galaan Wadahadalka” Qunsulka...

“Dawladda Turkigu Madaxdhaqameedka kama ay Codsan in ay ka Qayb-Galaan Wadahadalka” Qunsulka Guud ee Turkiga u Fadhiya Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Dawladda Turkiga ayaa ka hadashay wararka sheegay in madaxdhaqameed lagu bedelayo wada hadalkii Somaliland iyo Soomaliya.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Hargaysa ee qunsulka guud ee Turkiga u fadhiya Somaliland Muzaffer Yüksel ayaa sheegay innaanay warkaa waxba ka jirin.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska qunsulka guud oo uu ku saxeexan yahay Muzaffer Yüksel ayaa lagu sheegay innaanay waxba ka jirin warkaasi ay baahisay warbaahinta maxaliga ahi.

“Aniga oo ku hadlaya afka dawladda Turkiga, Qunsuliyadda Turkigu waxa ay ogaysiinaysaa bulshada reer Somaliland in warkaasi kusoo baxay saxaafada maxaliga ahi dulucdiisuna ahayd “Af hayeenka Salaadiinta Somaliland oo xaqiijiyey in ay ka qayb galayaan wada-hadaladda Turkigu dhexdhexaadinayo” in warkaasi aannu ahayn mid sugan isla markaana yahay mid marin habaabin ah.Waqtigani la joogo Dawladda Turkigu cidna kama ay codsan in ay ka qayb-galaan”ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka.

Warsaxaafadeeedka

 

 

Waxa lagu sheegay warkan ka soo baxay xafiiska qunsulka Turkiga u fadhiya Somaliland Muzaffer Yüksel in haddii aanay dawlada Somaliland ka codsan arimaha wada hadalada in la bedelo aanu Turkigu wadan qorshe kale.

“Wada-hadalada laba geesoodka ah, oon ka ahayn Dawladda Somaliland umana qorsheysna in ay talaabadaasi qaado mustaqbalka haddii aanay dawladda Somaliland ka codsan”ayaa lagu yidhi warka qunsulka Turkiga ee Hargaysa Mr Muzaffer Yüksel.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inaanay bulshada Somaliland dheg u dhigin wararka aan sida rasmiga ah uga soo bixin dawlad Turkiga.

“Waxaanu jeclaan lahayn in aan bulshada reer Somaliland dhag u dhigin war aan si rasmi ah uga soo bixin Dawladda Turkiga.

Mar labaad, waxaanu salaan diiran u diraynaa, isla markaana jecelnahay in ay guuleystaan bulshada reer Somaliland” ayaa lagu soo gabagabeeyay warsaxaafadkeedaasi.

Wadahadalada Labada dal ayaa maalmihii ugu dambaysay ay ka soo baxaysay warar sheegaya in ay dawladda Turkigu ku bedelayso madax-dhaqameedka oo meteli doona labada dal. Suldaan Xiiray ayaa markii ugu horaysay warkan hadalhaynta ahaa soo dhaweeyay islamarkaana sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ka qaybgalaan waddahadalkaas, waxa sidoo kale dhinaca kale ka istaagay oo arrinkan gaashaanka u daruuray islamarkaana sheegay in aannay ka qaybgaleyn qaar ka mid ah salaadiinta Somaliland.

 

Somalilandpost, Hargeysa Office

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories