HomeDawladda Turkiga oo xanibtay Barta Youtube

Dawladda Turkiga oo xanibtay Barta Youtube

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Turkiga (SLPOST) Dowladda Turkiga ayaa xirtay oo aan wadankeeda laga isticmaali Karin barta Youtube oo la isku dhaafsado muuqaalada isla markaana qayb ka ah baraha dadweynaha aad u isticmaalan.

youTube

Talaabadan ayaa timid maalin kadib markii maxkamad ku taalla isla Turkiga xukuntay in xanibaada barta twitterka oo todobaad kahor laga joojiyey isticmaalkiisa.

 

Joojinta isticmaalka Youtube ayaa timid kadib markii lasoo geliyey cod si sir ah loo duubay oo ah shir ay yeelanayeen saraakiisha milateriga ee Turkiga. Shirka ayaa ku saabsanaa sidii talaabo milateri looga qaadi lahaa Syria.

 

Ra’iisul Wasaare Erdogan oo beriyahan ku jiray olole doorasho ayaa ku eedeeyay baraha dadweynaha in lagu faafiyey warbixino aan jirin oo ka dhan Turkiga.

 

Khuburo ayaa sheegaysa in laga yaabo talaabada xigta ay noqon doonto xakinta ama joojinta isticmaalka barta Facebook.

 

 

Dowladda Turkiga ayaa xayiraad saartay isticmaalka adeega laga daawado muuqaalada ee loo yaqaano Youtube, todobaad kadib markii Maxkamada dalkaas ay amartay in la mamnuuco isticmaalka barrta Twitter-ka.

Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa taageeray xayiraada la saaray Barta Twitter-ka oo ay aad u isticmaalaan dadweynaha reer Turkiga, iyadoo tallaabadan ay aad uga soo horjeesteen dadka ka soo horjeeda siyaasada dowladda.

 

Shirkada Isgaarsiinta ee dalka Turkiga ayaa mamnuucday isticmaalka barta Youtube, waxaana la ogaaday in bartan la xiray.

 

Barta Youtube ayaa waxaa la soo dhigay cod la sheegay inay ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Turkiga iyo wiilkiisa oo ku wada sheekeysanayay lacago la musuq maasuqo.

 

Sidoo kale goor hore waxaa la soo dhigay bartaas cod laga duubay saraakiil Turki oo ka wada hadlaya arrimaha Suuriya, waxaana ay aheyd dood ku saabsan suura galnimada howl galo laga fuliyo gudaha Ruushka, waxaana doodaas ka qeyb galay Madaxa sirdoonka, Wasiirka arrimaha dibada Turkiga iyo Taliyaha ciidamada qalabka sida.

 

Ra’iisul Wasaare Erdogan oo wajahaya maalinta Axada ah doorashooyinka dawladaha hoose ee muhiimka ah, ayaa ku eedeeyay baraha bulshada ay isticmaasho in lagu faafinayo warar been ah, wuxuuna goor hore soo jeediyay in la dhaqan galiyo xayiraado lagu soo rogo YouTube iyo Facebook.

 

Xayiraadaha dowladda Turkiga ku soo rogeyso baraha Bulshada ayaa ka dambeysay, kadib markii sanadkii hore dalkaas ka dhaceen dibad baxyo ka dhan ah dowladda, waxaana jira mucaarado weyn oo ay la kulmeyso dowladda Mr Erdogan.

Somalilandpost.net

Somaliland/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories