HomeDawladda Turkiga oo Masuuliyadda Weerarkii lala Beegsaday Safaaraddooda Muqdisho Dusha u Saartay...

Dawladda Turkiga oo Masuuliyadda Weerarkii lala Beegsaday Safaaraddooda Muqdisho Dusha u Saartay Quwado loolan kula jira Siyaasaddooda Gobolka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ankara (SLpost)- Guddoomiyaha baarlamaanka waddanka Turkiga Cemil Çiçek, ayaa cambaareeyay weerarkii lagu qaaday safaaraddooda magaalada Muqdisho ee Somaliya, waxaanu masuuliyadda weerarkaas dusha ka saaray Quwado aanu magacaabin oo uu sheegay inay ka xun yihiin hawlaha bani’aadamnimo ee dalkiisu ka wado waddanka colaaduhu halakeeyeen ee Soomaaliya.

Guddoomiye Çiçek waxa uu sidaas sheegay mar uu shalay Cusbitaal ku yaala xarunta dalkaasi Turkiga ee Ankara ku booqday dhaawacyadii ku waxyeelloobay weerar is-miidaamin ah oo lagu qaaday safaaradooda Muqdisho, kuwaas oo ay ku jireen shaqaale dalkaas u dhashay iyo qaar Soomaali ah.

“Waan fahansannahay inaan qolo kale lugaha kaga joogsanay, sababtoo ah Turkigu waxay saamayn muuqata ku sii yeelanayaan gobolkaas maalinba maalinta ka sii dambaysa. Turkigu waxay isku dayayaan inay kor u soo qoodaan heerka nololeed ee dadka, annagoo isticmaalayna mashaariicda bini’aadannimo iyo siyaabo kaleba,” ayuu yidhi Gudoomiyaha baarlamaanka dalka Turkiga oo muujiyay inay tuhun sanyihiin awoodo kale oo tartan iyaga kula jira.

TURKIGAGuddoomiyaha baarlamaanka Turkiga oo u warramay warbaahinta dalkaas, waxa uu carrabka ku dhuftay in kooxda Alshabaab ee masuuliyadda weerarkan sheegatay la isticmaalay oo ay jiraan quwado ka dambeeya. “Turkigu waxay sameeyeen wixii looga baahnaa waddan saaxiib la ah Soomaaliya, waxaanan ognahay inay jiraan quwado aan ku faraxsanayn xarumaha iyo dedaallada aan ka wadno gobolka. Nasiib-darrase waxay noo soo isticmaaleen ururada argagixisada markale si ay u hor-istaagaan mashaariicda uu Turkigu ka furay Afrika” ayuu sii raaciyay gudoomiyaha baarlamaanka ee dalka Turkiga.

Hadalka Gudoomiyaha baarlamaanka Turkiga ayaa muujinaya inay dawlada Turkigu ay tuhunsatahay quwado tartan kula jira hawl-galladooda dalkaasi Soomaaliya, kuwaas oo sida hadalkiisa ka muuqata uu sheegay inay ka dambeeyeen weerarkii todobaadkan lagu qaaday safaaradooda Muqdisho, halkaas oo lagaga dilay hal askari, saddex kalana lagaga dhaawacay.

Somalilandpost.info/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories