HomeDawladda Turkiga oo Iftiimisay Ujeeddooyin Durugsan oo Taageeradooda Soomaalida iyo Dhex-dhexaadinta Somaliland...

Dawladda Turkiga oo Iftiimisay Ujeeddooyin Durugsan oo Taageeradooda Soomaalida iyo Dhex-dhexaadinta Somaliland & Somalia Qayb ka yihiin

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Muqdisho (SLpost)- Dawladda Turkiga, ayaa markii u horreysay si toos ah uga hadashay ujeeddooyinka siyaasadeed ee ka dambeeya faro-gelinta arrimaha Soomaalida ee taageerada ay u muujiyeen Dawladda Soomaaliya dib-u-dhiskeeda iyo wada-hadallada u socda Somaliland.

tukeyDawladda Turkigu waxa ay carrabka ku dhufatay sabababaha horseedka ah bartilmaameedyada kooxda Al-Shabaab la beegsato dibloomaasiyiinta iyo shaqaalaha gargaarka ee dawladda Turkiga ka jooga magaalada Muqdisho isla markaana ay ula mid noqdeen ciidamada iyo shaqaalaha waddamada aan Islaamka ahayn ee hawlaha gar-gaarka iyo nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Safiirka Dawladda Turkiga u fadhiya magaalada Muqdisho danjire Kani Torun, ayaa dano-siyaasadeed iyo dhaqaale oo ka qayb ka ah qorshe sal-ballaadhan oo ay ku kasbanayaan Qaaradda Afrika ku micnaysay danaha ay dawladdiisu ka leedahay wada-hadallada ay gogoshiisa fidisay ee ay ku dhex-dhexaadinayso Somaliland iyo Somaliya, isla markaana ujeeddadooda ugu muhiimsani tahay ilaalinta midnimada iyo wada-jirka Soomaaliya.

“Soomaaliya markii ay burburtay waxay u qabsantay gobollo qaarkood Madax-bannaani doonayaan, dhammantoodna xidhiidha wanaagsanna wuu naga dhexeeya, haseyeeshee, waxaanu si xooggan u taagersan nahay oo aanu ixtiraamaynaa midnimada iyo Xududaha Soomaaliya.

Somaliland waxay sheegtay inay ka madax bannaantahay inta kale ee Soomaaliya, laakiin waxaanu marti-gelinnay wada-hadal aanu ku dhex-dhexaadinayno labada dhinac, taasna waxa barbar-socota maal-gelin iyo mashaariic aanu ka fulinayno oo aanu si laban-laabayno, si aanu u xoojinno xidhiidhka naga dhexeeya,” sidaas ayuu yidhi yidhi Danjire Kani Torun oo magaalada Muqdisho xog-waraysi dhinacyo badan ku siiyey warbaahinta Daily Sabah.

Danjire Torum oo la weydiiyey ujeeddada dawladda Turkigu ka leedahay Arrimaha Somaliya, ayaa daboolka ka qaaday qorshe qoto-dheer oo dalkiisu ka leeyahay sidii uu uga mid noqon lahaa awoodaha dhaqaale, milatari iyo siyaasadeed eek u hirdamaya kheyraadka qaaradda Afrika iyo sidii uu saamayn dhinaca siyaasadda ah ugu yeelan lahaa dalalka Qaaradda Afrika.

“Ujeeddadayada hore ee aanu ka lahayn Soomaaliya waxay ahayd inaanu taageero iyo gargaar bani’aadamnimo gaadhsiinno walaalahayaga Soomaaliyeed. Dadka Turkigu waxay ugu deeqeen 300 Milyan oo Dollar oo lagu bixiyey gargaarka bani’aadamnimo. Lix bilood ka dib, April 2012, Qaramada Midoobay waxay ku dhawaaqay inay dhammaatay macaluushii ka jirtay Soomaaliya. Dhawaaqaas ka dib, waxaanu bilownay adeegyo horumarineed oo aanu ka fulinayna dalka, annaga oo halkii ka sii wadna gar-gaarkii bani’aadamnimada, waayo Soomaalida oo dhaqan ahaan iyo taariikh ahaanba aanu xidhiidh wadaagno, waxay u baahnaayeen in la caawiyo,” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyey, “Sidoo kale, dawladda Turkigu waxay doonaysa inay ballaadhiso awooddeeda dhaqaale iyo siyaasadeedba, annaga oo doonaynay inaanu horumarinno xidhiidhada aanu la leenahay Soomaaliya iyo waddamada kale ee qaaradda Afrika si aanu u kala faa’idaysano dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaanba. Xaaladdan waxaanu u bixinnay guul-guul ku gaadh, Soomaaliyana waxay qayb ka tahay qorshahan.”

Mar la weydiiyey sababaha ay kooxda Al-Shabaab u bartilmaameedsato dibloomasiyiinta iyo shaqaalaha Turkiga ee ku sugan Muqdisho maadama oo uu yahay dalka kaliya waddamada Muslimiinta ee taageerada dhinaca horumarinta ugu badan ka geysta Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay, “Haddii aanu ku koobnaan lahayn oo kaliya gar-gaarka bani’aadnimada, Al-Shabaab waxba nagama soo gaadheen. Laakiin markii aanu bilownay taageerada dawladda, inaanu dib-u-dhis ku samaynayo hay’adaha dawladda iyo tabobarka ciidamada, Al-Shabaab waxay shaacisay Turkigu ka buuray cadowgooda maadama oo uu wada-shaqayn la leeyahay Dawladda Soomaaliya iyo Gaashaan-buurta NATO. Waxa ugu weyn ee dabada ka riixaya weerarrada Al-Shabaab nagu hayso waxa uu yahay inay ogyihiin maal-gelinta iyo fulinta mashaariicda Turkigu ka fuliyo ay Soomaaliya ka caawinayso inuu dalku noqdo mid siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba deggen. Waxa soo badanaya dadka ay u muuqanayso nabadda iyo xasiloonida maal-gashigu keenayo, halka Al-Shabaab-na sii luminayso taageerayaal badan,” ayuu yidhi Danjire Torum.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories