HomeDawladda Turkey oo shaaciyey Mawqifkooda go’aamadii ka soo baxay wada-xaajoodka Somaliland iyo...

Dawladda Turkey oo shaaciyey Mawqifkooda go’aamadii ka soo baxay wada-xaajoodka Somaliland iyo Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ankara (SLpost)- Xukuumada Turkiga ayaa eray-bixin meeqaamkeedu dheeli-tiran yahay u adeegsatay qoraal saxaafadeed ay kaga hadleen natiijada ka soo baxday wada-xaajoodkii Somaliland iyo Soomaaliya ku dhexmaray dalkooda iyo go’aamadii ay ku gaadheen.

Dalka Turkiga ayaa caddeeyey inay soo dhoweynayaan go’aamada ku saabsan horumarinta xidhiidhka ka dhexeeya xukuumadaha Somaliland iyo Soomaaliya.

Turkey's Foreign Minister Ahmet Davutoglu
Turkey’s Foreign Minister Ahmet Davutoglu

 

War saxaafadeed Wasaarada Arrimaha Dibedda dalka Turkigu soo saaray shalay ayaa lagu sheegay in heshiisyo ka soo baxeen wada xaajood Turkigu martigeliyey oo dhexmaray wefdiyo ay kala hogaaminayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland iyo wasiirka Arimaha Gudaha Soomaaliya

Go’aamada ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka inay ku jireen arrimo xasaasi ah, sida wada xaajoodyada soo socda, nidaamka go’aamada lagu gaadhayo, abuuritaanka guddi labada dhinac oo marjac u noqda nidaamka wada xaajoodka.

“Turkigu wuu soo dhoweynayaan go’aamada ku saabsan horumarinta xidhiidhka ka dhexeeya xukuumada Somaliland iyo Xukuumada Soomaaliya, waxaanu fududeynayaa waddo kasta oo u keenaysa xasiloonida iyo horumarka saaxiibada iyo walaalaha Soomaalida, annagoo la kaashanayna beesha caalamka waan sii wadi doonaa martigelinta iyo taageerida wada xaajoodka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.

War saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibeda Turkigu ugu hambalyeeyey kulan uu la yeeshay Wasiiradii kala hogaaminayey labada dhinac.

Qoraalka dalka Turkigu ku shaaciyey mowqifkiisa go’aamadii ka soo baxday wada xaajoodkii wefdiyada Somaliland iyo Soomaaliya ugu dhamaaday magaalada Istanbul, ayaa u muuqda mid dibloomaasiyeed oo garab-siinaya natiijadii ka soo baxday wada-hadallada, waxaanu ka soo horjeeda mawqifka ay axsasabta mucaaradka ee Somaliland ka istaageen go’aamadii ka soo baxay kulankaas oo ay shaki ka muujiyeen, iyaga oo ku dooday in go’aamadaasi meesha ka saareen madaxbanaanidii Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories