HomeDawladda Switzerland oo Somaliland u soo bandhigtay inay Beesha Caalamka la wadaagto...

Dawladda Switzerland oo Somaliland u soo bandhigtay inay Beesha Caalamka la wadaagto Xal u-helista Mashaakilka ka taagan Soomaaliyed

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Switzerland ee qaaradda Yurub, ayaa caddaysay inay kor u qaadayso taageerada dhaqaale ee ay siiyaan Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo xustay inay danaynayaan wax-ka-qabashada arrimaha siyaasadeed ee kaga xidhan Soomaaliya, taas beddelkeedana ay Somaliland ka qayb-qaadato dedaallada loogu nabadeynta iyo dejinta xaaladaha cakiran ee ka taagan Soomaaliya.

Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Dawladda Federaalka ee Switzerland (State Secretary of Switzerland Foreign Ministry) Mr. Yves Rossier iyo wefti uu hoggaaminayo oo uu ku jiro safiirka dalkaas u fadhiya Nairobi, una qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya oo markii u horraysay safar shaqo ku jooga caasimadda Hargeysa, ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirrada.

DSC_0035Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda ee Switzerland oo ay shir-jaraa’id wadajir u qabteen Wasiirka Khaarajiga Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis shalay, ayaa shaaciyey in Somaliland sharaf ku heshay hanaanka doorashooyinka dimoqraadiga ah, saxaafadda xorta ah iyo bulsho nabadda ku dhisan.

“Dawladda Switzerland waxay la shaqaysaa mandaqadda oo dhan oo Somaliland ka mid tahay, waxaanay kala shaqaysaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin horumarka, arrimaha siyaasadda. Waxaan Madaxweynaha Somaliland u sheegay in waxa ugu muhiimsan ee Somaliland haysato tahay sharaf, iyadoo sharafteeduna ku xidhan tahay doorashada dimoqraadiga ah, saxaafadda xorta ah, bulsho amni ku dhisan, habka ka qaybqaadashada dawladda oo ah mid aad u fiican marka waqtiyadan la eego,” ayuu yidhi Mr. Yves Rossier.

Waxa kaloo uu sheegay in dawladdiisu kordhin doonto taageerada dhaqaale ee ay siiso Somaliland, isla markaana ka qaybqaadan doonaan sii wadista wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya.

“Bulshada caalamku waxay aad u danaysnaysaa, aadna uga walaacsan tahay xaaladda Muqdisho iyo badhtamaha Soomaaliya. Waxa kale oo aannu ka wadahadalnay Madaxweyne Siilaanyo sidii Somaliland wax ugu qaban karto Soomaalida kale ee gobolka, gaar ahaan badhtamaha Soomaaliya.

DSC_0040Berri waxaannu booqan doonnaa dhawr goobood sida Sheekh iyo Berbera oo mashaariic aannu ka fulin doonno si loo kordhiyo deeqaha Baanka Adduunku bixiyo si loogu maalgaliyo Somaliland, gaar ahaan Switzerland waxay kordhinaysaa maalgashiga iyo deeqaha ay Somaliland siiso, taasina maaha dhammaadka wada-shaqayntayada, balse waxaannu ka qaybqaadan doonnaa dhinaca siyaasadda si ay u socdaan wadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee bilaabmay, waana arrin aan muhiimadeedu ku koobnayn Somaliland, balse gobolka oo dhan ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis oo kulanka weftigan ay la yeesheen ka warbixiyey, ayaa sheegay in ay ka wadahadleen sidii cilaqaadka labada dal kor loogu qaadi lahaa, isagoo xusay inay ballanqaadeen in ay lacago deeq ah oo Switzerland siiso Somaliland kor u qaadeen.

“Waxaan soo dhawaynaya Wasiirka Switzerland iyo safiirka la socda, waana markii ugu horraysay ee wasiirka iyo weftigiisu noo yimaaddaan. Waxa aannu ka wadahadlnay sidii labada dal cilaaqaad u yeelan lahaayeen, sidii hore u marin lahayn cilaaqaadkii hore ee jiray. Waxa aan uga mahadnaqayaa dawladda Switzerland waxtarka ay had iyo jeer na siiyaan, iyagoo imminka ballanqaaday inay waxqabadkooda sii kordhiyaan, kuna daray $ 2,000,000 (laba milyar dollar) dhaqaalaha caawimada ah ee ay bixinayaan.

DSC_0042Waxyaabaha kale ee aannu ka wadahadalnay waxa ka mid ah sidii ay dalkan uga caawin lahaayeen dhinacyada horumarka. Waxaannu u sheegnay inuu waddan nabad ah yahay, xuquuqal-insaanka ilaaliya, dimoqraadi ah oo doorashooyin xalaal ah ka dhaceen, mustaqbalkana la rajaynayo in ay ka dhacaan,” ayuu yidhi Md. Biixi.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in weftigu booqasho ku tegi doonaan magaalooyinka Berbera iyo Sheekh, “Weftigu waxay berri u baxayaan Berbera iyo Sheekh, imminkana waxay ka yimaaddeen Xamar oo dhibaato ka taagan tahay, laakiin waxaannu doonaynaa in aannu tusno nabadda meesha taal iyo in waddankan la isu socon karo. Waxaannu jecel nahay in aannu cilaqaad la yeelanno, waxyaabo badan ayaanay noogu ballanqaadeen in ay nagala shaqeeyaan,” ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories