HomeDawladda Sucuudiga oo xidhay maxjarkii sadexaad ee dhawaan laga furay magaaladda Berbera

Dawladda Sucuudiga oo xidhay maxjarkii sadexaad ee dhawaan laga furay magaaladda Berbera

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Sucuudiga(SLpost) Dawladda Sucuudiga ayaa la sheegay inay soo saartay qoraal rasmi ah oo ay ku joojisay in Dalka sucuudiga la soo galiyo xoolaha soo mara Maxjarka sadexaad ee dhawaan laga furay magaaladda Berbera, kaasoo ay shuraako ku yihiin Gancsato reer Somaliland ah oo dhawaan dalka sucuudiga uga helay Ruqsad inay Xoolo u dhoofiyaan.

Wararka rasmiga ah ee naga soo gaadhaya Dalka Sucuudiga ayaa sheegaya inay Dawladda Sucuudigu shalay u yeedhay qaar ka mid ah ganacsatada Reer Somaliland ee Maxjarka leh, kuwaas oo ay ku war-galisay Amarka joojinta ah ee ay ka soo saartay Maxjarkooda.

Dawladda Sucuudiga ayaa lagu soo waramayaa inay ku war galisay Ganacsatadaasi inay keeni karaan uun markab badda ku sii jira iyo mid Dekedda Berbera laga rarayo oo Maxjarkaas maray, hase yeeshee wixii labadaas Markab ka danbeeya aanay ogolaan doonin Xoolaha Maxjarkaasi soo mara ee ay hore usiisay Ruqsada.Sida ay Waaheen u sheegeen Ilo wareedyo xogogaal ahi xidhitaanka Maxjarka sadexaad ee Berbera oo ay dhawaan Xukuumadda Somalland iyo Sucuudigu Ruqsada siiyeen, isla markaana laga raray Xoolihii u horeeyey waxa keenay qoraal ay wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliya u qortay Dalka Sucuudiga, taasoo ay kaga dalbatay in la xidho Maxjarkaasi.

Dawladda Somaliya ayaa qoraalan oo aan wali waaheen soo gaadhin balse loo xaqiijiyey jiritaankeeda ku sababaysay in Maxjarkaasi Magaaladda Berbera ka abuuray xasilinood darro iyadoo ku wargalisay haddii aan la joojin inay xaalad colaadeed ka abuurmi doonto. Illaa hada si rasmi ah looma oga cida Dacwadda u gudbisay Somaliya, hase yeeshee ilo wareedyo u dhuun daloola ayaa ku xidhiidhinaya khilaafkii Maxjarada Berbera ee dhawaan Maxkamadda Islaamiga ah ee Hargeysi xalisay.

Xigasho Waaheen

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories