HomeDawladda Sucuudiga oo Qorshaynaysa inay Qabriga Nebi Muxamad (NNKHA) u Rarto goob...

Dawladda Sucuudiga oo Qorshaynaysa inay Qabriga Nebi Muxamad (NNKHA) u Rarto goob Qarsoodi ah!

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Riyaadh (SLpost)- Dawladda Sucuudiga, ayaa ku hawlan Qorshe goobta uu ku yaalo looga rarayo Qabriga Nebi Muxamed (NNKHA) iyada oo hadhaaga Jidkiisa laga saarayo goobta uu aasan yahay ee magaalada Madina isla markaana lagu aasi doono goob aan la magacaabin.

Tallaabada dawladda Sucuudigu qorsheysay inay Qabriga Nebi Muxamed kaga rarayso goobta uu ku yaallo oo aan la garanayn sababta dhabta ah ee ku kallifaysa, ayaa haddii boqortooyada Sucuudigu kaga dhabayso hirgelintisa waxa ay noqonaysaa mid kala-qaybsanaan iyo tafaafuq ka dhex-dhalin karta midnimada shacabka Islaamka.

qabriga nebigaWarka ku saabsan qorshaha dawladda Sucuudiga oo lagu qoray jariiradda The Independent ee ka soo baxda dalka Ingiriiska, ayaa qayb ka ah wada-tashi iyo macluumaad lagu ururiyey warbixin ka kooban 61 bog, taas oo loo qaybiyey isla markaana ay doodayaan Culimada waaweyn ee gacanta ku haysa Masjidka Nebi Muxamed (NNKHA) ee magaalada Madina, halkaas oo Qabriga Nebigu ku yaallo. Masjika Nebiga ayaa ah meesha labaad ee ugu barakada badan Dunida Muslimka iyada oo ay sannad walba booqdaan malaayiin Muslimiinta Adduunka ee gudashada Waajibaadka Xajka iyo cumrada u taga magaalada Masaajidka Xaramka ee ku yaala magaalada barakaysan ee Maka.

Qorshaha dawladda Sucuudigu ku go’aamisay arrintan oo markii la maqlay dunida Islaamka ka cadhaysiisay, waxa fashiliyey mid ka mid ah culimada dalka Sucuudiga oo ka soo horjeestay in la burburiyo dhismayaal ku yaala agagaarka Qabriga Nebiga, halkaas oo ay ku aasan yihiin qaar ka mid ah asxaabtii iyo Ehliyaddii Nebi Muxamed (NNKHA).

Dokumentiga la sheegay in lagu diyaariyey qorshaha tallaabadan lagu qaadayo oo ka kooban 61 bog, waxa kale oo ku xusan in xabaasha Nebi Muxumed loo raro Qubuuro la yidhaahdo al-Baqi oo ku dhow goobta uu Masaajidku yaallo, haseyeeshee marka laga yimaaddo warbixintan ma jiro go’aan lagu gaadhay in la fuliyo qorshan.

Dawladda Sucuudiga ayaan iyadu ka hadal isla markaana aan xaqiijiyin warka iyo ilo-wareedyada ay soo xigatay jariiradda The Independent.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories