HomeDawladda Soomaaliya oo ka hadashay Tacaddiyada Kufsiga Haweenka ee lagu eedeeyey Ciidammada...

Dawladda Soomaaliya oo ka hadashay Tacaddiyada Kufsiga Haweenka ee lagu eedeeyey Ciidammada AMISOM

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

cabdiweliMuqdisho (SLpost)- Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadashay Tacaddiyo Kufsi iyo xad-gudubyo xuquuqada Aadamaha ka dhan ah oo lagu eedeeyey inay Ciidanka Midawga Afrika ee AMISOM kula kaceen Haween Soomaaliyeed, isla markaana waxay sheegtay inay baadhayso sida Ciidammada AMISOM ugu kaceen falalkaa foosha-xun.

Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed, ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay eedeymaha la xidhiidha falalka galmada sharci-darrada ah ee qasabka ah ee lagu sheegay Warbixinta Isniintii soo saartay Hay’adda difaacda Xuquuqda Aadamaha ee Human Rights Watch, taasoo kashiftay inay qaab xoog, qasab iyo khiyaamo ah ku kufsadaan Haweenka Soomaaliyeed ee Barakacayaasha u badan Ciidammada Midawga Afrika kaga sugan dalka Soomaaliya.

Raysal-wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay cambaaareynayso dhammaan noocyada xad-gudub ka dhanka ah dadka Soomaaliyeed iyo Xuquuqda Aadamaha-ba, waxaanu xusay inay ka go’an tahay inay xaqiijiyaan ciddii ku kacday falkaas si caddaaladda loo horkeeno sida uu ku dooday.

“Xukuumaddu waxay ku sameyn doontaa eedeymahan baadhitaan qoto-dheer oo deg-deg ah, waxaana qaadaynaa tallaabo lagama maarmaan ah sidii eedeymahan lagu xaqiijin lahaa. Waxaana naga go’an ilaalinta Xuquuqda Shacabkeenna, gaar ahaan Haweenka iyo Carruurta.” Sidaa ayaa lagu yidhi War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya shalay.

Sidoo kale, Warka ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha, ayaa lagu sheegay in Xad-gudubyada noocan oo kale ah ee dhiig-miiradka ah aanay dawladdu aqbali doonin, lana ilaalin doono dhammaan Xuquuqda shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa nugul.

“Dawladda Soomaaliya waxay weydiisanaysaa AMISOM iyo waddamada ay ka socdaan Ciidammadu inay ka qaybqaataan ilaalinta Xuquuqda Shacabka Soomaaliyeed iyo inay ka qaybqaataan baadhitaanka lagu xaqiijinayo kuwii xad-gudubyada ku kacay.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warbixinta Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya ka soo baxday Salaasadii Shalay.

Waxa kale oo qoraalkaas Raysal-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed lagu yidhi; “Shacabka Soomaaliyeed waxay mudan yihiin nolol xor ka ah argagixisada, dhammaanna waa inay door ku yeeshaan hirgelinta, kormeerka iyo u doodidda kuwa jilicsan.” Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa ku celiyay inay Xukuumadda ka go’an tahay in caddaaladda la horkeeno cid kasta oo ku lug yeelata tacaddiyada iyo Kufsiga Haweenka Soomaaliyeed ee lagu sheegay Warbixinta ay Isniintii soo saartay Hay’adda Human Rights Watch.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories