HomeDawladda Soomaaliya oo Dalab Yaable u soo Dirtay Kooxda Fanka Somaliland ee...

Dawladda Soomaaliya oo Dalab Yaable u soo Dirtay Kooxda Fanka Somaliland ee Xiddigaha Geeska Ujeeddada dalabka ka yimi dawladda Soomaaliya iyo goaanka kooxda Xiddigaha Geesku ka qaateen

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

xiddigahaHargeysa (SLpost)- Dawladda Soomaaliya, ayaa dalab yaable u dirtay kooxda caanka ah ee Xiddigaha Geeska oo ka mid ah kooxaha fanka xilligan loogu jecel yahay ee reer Somaliland, isla markaana aad loo dhegaysto heesaha kala duwan ee ay qaadaan.

Guddoomiyaha kooxda Somaliland ee Xiddigaha Geeska abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax), ayaa Jamhuuriya khadka telefoonka ugu xaqiijiyey shalay inay dalab yaab ku noqday oo martiqaad ah ka heleen dawladda Soomaaliya, gaar ahaan xafiiska Wasiirka Arrimaha Dibadda Mr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo kooxdiisa ka codsaday inay safar aan ujeeddadiisa la caddayn ku tagaan magaalada Muqdisho.

“Waxa dhacday in annu ka warhelno martiqaad nooga yimi Soomaaliya si aannu Muqdisho u tagno, laakiin arrintaas iyo dabalkaasba waannu diidnay,” ayuu si kooban u yidhi abwaan Laab-saalax, isagoo ka gaabsaday inuu faahfaahin intaas dhaafsan ka bixiyo martiqaadka loo fidiyey.

Hasayeeshee, ilo-wareedyo kala duwan ayaa Jamhuuriya u xaqiijiyey in ujeeddada dawladda Muqdisho u martiqaadday kooxda Xiddigaha Geeska ee Somaliland ay la xidhiidho in iyagoo calanka Soomaaliya huwan ay safarro ku maraan degmooyinka kala duwan ee Xamar iyo qaybo ka mid ah gobollada kale ee dalkaas si bulshada Soomaaliyeed ee qurbaha ku dhaqan loo tuso in nabad iyo xasillooni ka jirto caasimadda.

Sida ilo-wareedyadu tilmaameen dawladda Soomaaliya, gaar ahaan wasiirkeeda khaarajiga, ayaa kooxda Xiddigaha Geeska u sameeyey ballanqaad ah in lacagta ay dalbadaan la siin doono haddii ay oggolaadaan inay safar ku tagaan magaalada Muqdisho, iyadoo dawladdu doonayso in xidigaha geeska oo calanka Soomaaliya huwan ay hadallo kala duwan oo muujinaya ammaanka iyo xasilloonida ka jeediyaan xaafadaha Muqdisho, si saxaafaddu u baahiso, isla markaana u noqdaan borobagaando iyo dhiirrigelin dawladdu ku doonayso inay ku soo jiidato qurba-joogga Soomaalida, balse waxay dalabkaas kala kulantay diidmo kagaga timi kooxda Xiddigaha Geeska oo ah dhallinyaro reer Somaliland oo fankoodu aad u soo shaac-baxay.

Dawladda Soomaaliya, ayaa la sheegay inay diyaar u tahay in lacag kastoo kooxdu qabsadaan ay ugu soo dirto xawaaladaha caasimadda Somaliland Hargeysa si ay Muqdisho u tagaan, haseyeeshee, waxay masuuliyiinta maamulka Xamar ka dalbadeen in marka hore Xiddigaha Geesku keenaan qof dammiinul-maal ah oo Muqdisho jooga, kadibna lacagta loogu diro Hargeysa, laakiin arrimahaas oo dhan waxa ku gacan-saydhay fannaaniinta oo arrintaas u arkay mid lagu dilayo sumcadda iyo karaamadooda dhaawacaya, maadaama ay yihiin dhallinyaro reer Somaliland ah oo dhegsigooda aad looga jecel yahay dhammaan dhulka bulshada Soomaalidu ku nool yihiin.

XIGASHO: Jamhuuriya

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories