HomeDawladda Soomaaliya oo bilowday inay Xiisado leh ka dhex-abuurto Gudaha Somaliland iyo...

Dawladda Soomaaliya oo bilowday inay Xiisado leh ka dhex-abuurto Gudaha Somaliland iyo Heshiiskii Jabuuti oo ay waxba kama jiraan ka dhigtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

MUQDISHO (SLpost)- Dawladda Soomaaliya, ayaa bilowday olole siyaasadaysan oo ay ku soo faro-gelisay isla markaana ay kaga hadashay hawlo-macdan qodis ah oo xukuumaddu ka waddo deegaanno ka tirsan gobolka Awdal, taas oo ay kaga faa’idaysanayso xiisadda tabashada beeleed salka ku haysa ee ka taagan gobolkaas.

War ka soo baxay Wasaaradda Macdanta iyo Badroolka Somalia ayaa lagu sheegay inay xaalado amaan darro ka abuurtay Gobolka Awdal Shirkad laga leeyahya dalka Shiinaha oo xukuumadda Somaliland heshiis kula galay hawl-gallo Macdan-qodis ah oo ay ka waddo gobolka Awdal deegaano ka tirsan.

“Howlaha ARC ay sida sharci-darrada ah uga waddo Somalia waxay abuurtay xasillooni-darro soo wajahday deegaannadaas, kadib markii ay boqolaal qof oo meleeshiyaad ah shaqaaleysay si ay u ilaaliyaan shirkadda iyo shaqaalaha howsha u wada, isla markasna ay barakicisay dadkii iyo duunyadii ku noolaa deegaankaas,” ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Macdanta Somalia.

Tallaabada dawladda Soomaaliya ku soo faro-gelisay arrimaha gudaha Somaliland, ayaa ka hor imanaya heshiishyo dhowaan magaalada Jabuuti ku dhexmaray madaxweyne Siilaanyo iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo meesha ka saarayey in labada dhinac ku kacaan arrimo waxyeello u geysan kara geeddi socodka wada-hadallada labada waddan.

Buuraha Simoodi ee gobolka Awdal oo Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyo Shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee ARC si wada-jir ah uga wadaan hawlaha Macdan-qodista ayaa ah kuwo si caadi ah u socda halkaas.

Mushkiladaha warkan lagu sheegay iyo malleeshiyaadka barakaca sameeyay ayaa ah xaalad aan ka jirin Gobolka Awdal marka laga reebo tabasho salka ku haysa Saami qaybsi oo Reer Awdal tirsanayaan, waxaanu warkani u muuqdaa mid lagaga faa’idaysanayo buun-buuninta arrintan.

“Xasarado iyo colaado ka dhaca gobolka Awdal si looga fogaado, wasaaradda Macdanta iyo Batroolka waxay ka dalbanaysa shirkadda ARC inay si deg-deg ah u joojiso macdan baarista sharci-darrada ah ee ay ka waddo Soomaaliya, taasoo dhalisay xasarad siyaasadeed iyo nabadgelyo-darrada ka aloosantay deegaankaas oo muddo dheer ahaa mid nabdoon,” ayay lagu sheegay warka ka soo baxay dawladda Soomaaliya.

Hadalkan ka soo baxay Xukumadda Somalia ayaa u muuqda mid waxyeelaynaya heshiisyadii Soomaaliya iyo Somaliland hore u dhexmaray ee sheegayay In laga fogaado wax kasta oo wada hadallada carqalad gelin kara iyo In aan la siyaasadayn deeqaha bani’aadannimo, maashaariicda dib u dhiska lana dhiirageliyo.

Waxaanu hadalkani ku soo beegmay xilli ay muddo kooban ka hadhsan tahay shirka wada-hadallada u dhexeeya labada waddan oo loo muddeeyey inay bisha Labaad ee sannadkan ku qabsoomo magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Maaha markii koowaad ee dawladda Soomaaliya sidan oo kale ugu kacdo tallaabo burinaysa heshiisyo labada dhinac ku galeen shirarkii hore ee wada-hadallada, waxaana hore u jiray inay sidan oo kale ay dawladda Muqdisho ugu kacdo faro-gelin ay ku samaysay heshiisyo laga gaadhay maamulka Hawada Sare ee dal-weynihii laysku odhan jiray Soomaaliya, kaas oo ka mid noqday qodobkii ugu xaasaasinaa ee lagaga hadlay shirarkii u dambeeyey ee wada-xaajoodyada labada waddan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories