HomeDawladda Somaliya Oo Xayirtay Diyaaradaha U Kala Duula Hargeysa Iyo Muqdisho Iyo...

Dawladda Somaliya Oo Xayirtay Diyaaradaha U Kala Duula Hargeysa Iyo Muqdisho Iyo Sababta Oo Ay Sheegtay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa(SLpost)-Dawladda Somaliya ayaa si rasmi ah u joojisay diyaaradaha ka taga Hargeysa, caasimadda Somaliland ee taga magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya.

Warqad amar ah oo uu soo saaray agaasimaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyada Somaliya Cabdillaahi Gaafow Maxamuud oo ku taariikhaysan 30 January 2016, laguna socodsiiyay shirkadaha diyaaradaha ee garoonka Muqdisho, wuxuu ku sheegay in marka la gaadho 22 February 2016 si rasmi ah loo joojin doono duulimaadyadaas.

Warqadaas oo uu Geeska Afrika helay nuqul ka mid ah waxa ay u dhignayd sidan, “Dhamaan Shirkadaha diyaaradaha isaga kala goosha Hargeysa iyo Muqdisho, waxaa is xushmad leh loola socodsiinayaa in la joojiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen Gobolada Waqooyi Bari ee Hargeysa.

Kadib, markii aanu aragnay in dadka lagu qasbaayo Go Home, lacgna laga qaadayo, taas oo keeni karta aamin darro. Hadaba, laga bilaabo taariikhdu markay tahay 22/02/2016, waxaa si ku meel gaadh ah loo joojiyay duulimaadyada ka dega Hargeysa, ilaa inta Dawladda Federaalka Soomaaliy ay ka xalinayso.

Sidaa awgeed, waxaa dhamaan shirkadaha ay khusayso warqadani laga rajaynayaa in ay sida tahay u fuliyaan.”

Talaabadan ayaa daba socota talaabadii ay dawladda Somaliland dadka Somaliya ku amartay inay ku socdaalaan dhukumenti sharci ah oo socdaal marka ay u kala safrayaan Hargeysa iyo Muqdisho, halka ay dadka reer Somaliland ku amartay inay iyaguna magaalada Muqdisho ee Somaliya ku tegi karaan sharci socdaal, talaabooyinkaas oo dawladda Somaliya ka cadhaysiiyay.

Xigasho Geeska Afrika

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories