HomeDawladda Somaliya oo ka jawaab-bixisay Hadal Xukuumada Somaliland ku shaacisay Qorsheyaasheeda siyaasadeed...

Dawladda Somaliya oo ka jawaab-bixisay Hadal Xukuumada Somaliland ku shaacisay Qorsheyaasheeda siyaasadeed Wada-hadallada labada waddan

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

SaacidMuqdisho (SLpost)- Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka jawaab-celisay hadal dawladda Somaliland hore ugu micnaysay qorshaheeda la xidhiidha nuxurka kama dambaysta ah iyo natiijada ay ka filayso wejiga afraad ee wada-hadallada labada dal oo dhowaan ka furmi doona magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), ayaa iftiimiyey natiijada ay ka filayaan iyo ujeeddada ay leeyihiin wada-hadallada wejigooda Afraad maraya ee ay la leeyihiin Xukuumadda Somaliland, isaga oo sheegay inay rejaynayaan midnimo Soomaaliyeed oo mar kale dhexmarta labada dalka.

Dr Saacid oo magaalada Muqdisho ugu warramay Wariye Cabdisalaan Hereri oo ka tirsan Telefishanka gaarka loo leeyahay ee Universal TV, ayaa ujeeddada shirarka labada dhinac ku tilmaamay qaar looga dan leeyahay aayo-ka-talinta iyo isu-soo-dhawaynta mabaadi’da kala duwan ee labada dhinac, isaga oo sheegay inay dhankooda daacwad ka yihiin sidii ay shirkaas uga soo bixi lahaayeen midnimo Soomaaliyeed.

Dr Saacid oo la weydiiyey halka ay ku dambeeyey fulinta qodobbadii lagu heshiiyey shirarkii hore ee wada-hadallada, ayaa yidhi, “Dawladdayadu way ku dedaalaysaa isu-soo dhawaynta umadda Soomaaliyeed, Shirkanina (Wada-hadallada) qayb ayuu ka yahay, waanu wadi-doonaa, Daacad baanu ka nahay. Somaliland-na wax walba oo ay ku qancayso diyaar baanu u nahay.”

Wariye Cabdisalaan Hereri oo Raysal-wasaaraha weydiiyey waxyaabaha uu u arko inay xal u tahay kala-fogaanshiyaha labada dhinac iyo hadal wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland hore u sheegay in wejiga Afraad ee wada-hadalladu noqonayaan Maxsuulkii ay Somaliland ka rabtay wada-hadallada, waxa uu Raysalwasaare Saacid kaga jawaabay hadal aan cusbnayn oo inta badan ay madaxda Somaliya dhegaha ugu ridaan shacabkooda. “Waxa aanu uga dan leenahay (Wada-hadallada) in la helo dawladnimo Soomaaliyeed oo mid ah iyo waxa dadku rabo oo loo maro dariiq dib-u-heshiisiineed oo laysla wada oggol yahay in lawada helo weeyey ujeeddadayadu,” ayuu yidhi Dr Saacid.

Wasiirka Arrimaha Debedda Somaliland Md Maxamed Biixi Yoonis oo todobaadkii hore isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya warbaahinta la hadlay, ayaa ku sifeeyey natiijada ay Somaliland ka filayso wada-hadallada inuu tahay ujeeddadii ay markii horeba Somaliland u oggolaatay wada-hadallada oo micnaheedu yahay inay Somaliland ka madax-bannaanaato Somaliya inteeda kale.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories