Home"Dawladda Somaliland waxa ay ka digaysaa in maamulka Muqdisho khatar amni-darro iyo...

“Dawladda Somaliland waxa ay ka digaysaa in maamulka Muqdisho khatar amni-darro iyo qalalaase hor leh ka abuuro manqada Geeska Afrika”

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa maamulka Soomaaliya uga digtay wax ay ku tilmaantay ‘Faro-gelin siyaasadeed iyo Dagaal Qaawan’ oo ay ku hayso Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanay beesha caalamka ugu baaqday inay ka marag-kacdo inaanay dowladda Soomaaliya ogolayn wada-xaajood dhex-mara labada dhinac.
Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Somaliland oo Khamiista maanta ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada oo uu shir-guddoominayey madaxweyne ku-xigeen Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagu sheegay,  “Golaha Wasiirradu waxa ay fariin adag u dirayaan maamulka Muqdisho oo marwalba ku foogan dagaal joogto ah oo ay ku wadaan dalka Somaliland, taasi oo muujinaysa cadaawada iyo colaada ay u hayaan shacabka Somaliland.
Golaha Wasiirada Somaliland
Golaha Wasiirada Somaliland
Xukuumadda Somaliland waxay beesha caalamka ugu baaqaysaa dal aan awoodin doorasho dadweyne oo caalamku u dhisay dawladdo badan oo fashilmay ta maanta joogtaana aanay meelna udhaafsanayn inaan la barbar-dhigin Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka jirto dimuquraadiyad kala dambayn iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah ayna ka qabsoomeen lix doorasho, adduun weynuhuna ka marag kacayo, inay Somaliland ka go’an tahay iskaashiga, horumarka iyo xasiloonida adduunka. Haddaba Jamhuuriyadda Somaliland waxay marwalba diyaar u tahay in fagaare caalamiya loogu garnaqo Maamulka Xamar, balse taa waxa burisay shirkii Kenya ee ay ka baaqdeen, beesha caalamkuna goob joog ka ahayd.” Sidaas ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxtooyada Maxamuud Warsame Jaamac.
Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “Dawladda Somaliland waxa ay ka digaysaa in maamulka muqdisho khatar amni darro iyo qalalaase hor leh ka abuuro manqada geeska afrika oo leh sooyaal taariikh colaadeed oo dheer.
Ugu dambeyn, goluhu wuxu shacabweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ku baraarujinayaa inay u diyaar garoobaan difaaca qarankooda.”
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories