HomeDawladda Somaliland Oo Sheegtay Inay Khubaro Cilmi Nafsiga Ku Takhsustay U Dirtay...

Dawladda Somaliland Oo Sheegtay Inay Khubaro Cilmi Nafsiga Ku Takhsustay U Dirtay Baadhista Dilalka Ciidanka Qaranka Dhexdiisa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Wasiirka Gaadhandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami, ayaa sheegay  in la diray saraakiil khibrad u leh cilmi nafsiga oo baadhis ku soo samaysa dilalka ka dhex dhacaya muddooyinkan dambe ciidamada qaranka, iyagoo booqday goobihii ay shilalku ka dhaceen islamarkaana baadhaya siday u dhaceen dilalkaasi.

Wasiir Cadami, oo shalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in warbixinta ay saraakiishaasi soo saaraan la gaadhsiin doono xarumaha kala duwan ee ciidamada qaranka.

Ugu horayn wasiirka oo ka hadlaya dilalka ciidamada ka dhex dhaca, wuxuu yidhi  “Waa maqaadir, oo qofka ajashiisa way qoran tahay, oo halka samada ayey ka qoran tahay, waana talaabo aad u xun, sida qof walba oo muwaadin ahi uga xun yahay, ayaanu uga xunahay dhacdooyinkaas dhacay,caalamkana wey ka dhacaan, Mareykan iyo dal dhan oo nabad iskaga fadhiya ayaa nin maankiisu wax u dhimanyahay uu dadka xabad wada mariyaa, oo arday iskuul dhiganaysa oo wax dambiya lahayn ayuu laaya, arimahana waa lama filaan, waana la darsay, oo hadda niman Saraakiil ah oo khibrad leh oo Cilmi nafsigana waxa ka yaqaana baa hadda wada inta aan ogahay goobihii iyo sida ay wax u dhaceen iyo sida uu ninkaasi wax u dilay iyo waxa uu isagu ahaan jiray halkaas ayaa laga duulaya, waxaanan rajanayayaa in talaabadaas daraadasaadi ahi inay talaabo meel mar ah noqoto, in Ciidamada Qaranka, gaar ahaan Ciidamada jooga goobaha difaaca in la gaadhsiiyo daraasadan ayaa lagama maarmaan ah”.

Wasiirka Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami oo wax laga weydiiyay socdaakan uu Cali Khaliif Galaydh ku yimid gobalka Buuhoodle, wuxuu yidhi “Qofku wuu hunguri xumaysan karaa, waanu hunguroon karaa,mid aad ku guulaysto iyo mid aad ku guuldaraystana wey dhici karaan, wax cusubna maaha oo Cali hore ayuu u yimid, Xuduudana wuu soo galay,sida uu u yimidna waa damaca siyaasiga ah, oo qofka wax baa meesha uga muuqanaya, wax cusubna maaha oo Cali caan buu ku yahay,  barnaamij buu wataa oo keenay, oo in dhawaydba muu iman, dadkuna laftiisu wuu sii ilbaxayaa, ka gaashamashada iyo waxa laga yeelayo waa hawl kale”.

Wasiir Caddami ayaa mar uu ka hadllaayey sida uu arko saami qaybisaga golaha wakiilada ayaa yidhi “Hadba sida u qofku u akhristo ayey ku xidhan tahay, hadal ahaan waa la isku weeraraa waana lagu kala baxaa, laakiin Madaxweyne ku xigeenka ayaa hadlay oo yidhi wax u gooniya iyaga maaha , hab qaran ha looga wada hadlo, in intaan Barlamaanka la soo galin in Madaxtooyo ilaa Axsaabta arintu culayska leedahay in la siiyo oo laga soo wada doodo cida ka joogta Barlamaanka iyo Guurtida, in arinta Saamiga qaybsiga xal loo helo ayaa wanaagsan, sidiii horeba xal loogu helay”.

Wasiir Caddami ayaa mar uu ka hadlaayey sidii looga dabaashay muranka Saami qaybsiga wakhtigii uu ahaa Guddoomiyaha komishanka doorashooyinka ayaa yidhi “Waxa lagaga dabaashay mar haddii tirikoob sugan oo inoo yaala oo gobolada oo hadda loogu qaybiyo aanay jirin waxa la yidhi waxa aanu dib ugu noqonaynaa wakhtigii tirikoob ugu dambeeyey ee isticmaarku joogay, oo wax lagu kordhiyey, oo waxa la yidhi dadku intii ma joogay kursi walba intaas ha lagu daro, oo qolo walba kursigeedu intii uu noqday ayaa lagu kala baxay, waxaana markaas la lahaa markan ayaa inoogu dambaynaysa waddadan, oo mustaqbalka wax ka bedel ayaa la keenayaa, tiina wax muuqda oo ka bedelan lama keenin, is bedel inoo muuqdana ma jiro, laakiin inta ay airntani khuseeyso in la iskaga yimaado, oo si miir qaba looga wada hadlo waxaana ku rajo weynahay in xal la isla gaadhi karo, oo aan lagu kala kacayn”.

 

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories