HomeDawladda Somaliland oo Qiratay in Xukuumadda Somaliya Ku khiyaamaysay Heshiiskii lagu Xaliyey...

Dawladda Somaliland oo Qiratay in Xukuumadda Somaliya Ku khiyaamaysay Heshiiskii lagu Xaliyey Murankii Maamulka Hawada Sare

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost )Wasiirka Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, oo shalay shir-jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inaan Somaliland marnaba aqbalayn in hawadeeda laga maamulo Magaalada Muqdisho, isaga oo tilmaamay indawladda Somaliland ay qaadan doonto go’aano adag oo saamayn ku yeelan doona Qaramada Midoobay iyo Soomaaliyaba.

Wasiirka Duulista Hawada iyo gaadiidka Cirka Somaliland oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Maamulka Hawada Soomaaliya waxa uu soo maray muran fara badan ka dibna aanu wallaalayo meel aanu annagu moodaynay inaanu wax iskala dhignay, beesha caalamka iyo qaramada midoobayna aywaajib ku tahay wixii aanu ku heshiinay inay nagu meel mariyaan, nagu kala saaraan, waxna noogu qaybiyaan, haddii ay iyagu markii hore ku guul-dareysteen inay markii hore si wacan wax nooguqaybiyaan”
images
Wasiir Xaashi, waxa kale oo uu sheegay “Qaranka Somaliland waxa uu beesha caalamka iyo walaalahayaga Soomaaliyaba uga digeynaa  caalamka cawaaqib xumo ka dhalata iskaga gooshka iyo mushaaxida iyo ka ganacsiga hawada dalkii la isku odhan jiray Somaliya, oo qalaalaase uu ku soo  kordhi doono  oo Xasilooni darro ku soo korodho iyo bad qab la’aan, hawaduna ma dhaqdo isku qabqabsi waana arin xaasaasi ah, haddii loo tudhi waayo waxa run noqon doonto in aanaan annaguna u tudhi doonin, haddii ay qaramada midoobay arintaasi ku adkaysato wadahadal toos ah ayaanu kala galaynaa, waxaanu u diraynaa wefti miisaan leh, haddii ay kaliftana ilaa xaruumahooda ayaanu ugu tagi doonaa, waxaanu si toos ah ugala hadli doonaa dawladda Soomaaliya, inay ka baxeen iyo in kale, haddii arimahaasi ay kucaddaadaan oo la iska dhaga mariyo dhawaaqa iyo dareenka bulshada Somaliland, waxaan caddaynayaa in Somaliland ay qaadan doonto go’aamo iyo talaabooyin adag oo ka dhan ah, saamayna ku yeesha qaramada Midoobay iyo Soomaaliya, arimahaasina waa qorshe degsan oo istaraatijiyadeed, maaha laab lakac iyo wax cadho salka ku haya, xukuumadda Somaliland-na arintan qorshe ayay ka leedahay, haddii la meel-marin waayo wixiii lagu heshiiyey waxaanu meel marin doono qorshayaasha noo yaala” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Annagu waxaanu nahay bulsho bisil, khasaare yaqaan ah, oo ka soo doogtaydhibaato badan, nabadana taqaana, colaadana taqaana,  waxaanu naqaana raggu wuxu gallo iyo wuxu guddo, heshiisayadanu naqaana iyo Ixtiraamkooda, waxa  anaga ka xukuumad ahaan naga  go’an  in wixii heshiis ah aanu ixtiraano oo aanu heshiiska dhinacayaga meel marino, waxaanu maqlaynaa oo aan ku tidhi ku teen ahayn, basle anniga oo tixraaceya wasiirka Soomaaliya u qaabilsan arintan oo shir-jaraa’id kuqabtay Magaalada Muqdisho isaga oo ka hadlay in dhammaan hawadii Soomaliya qaramada midoobay ay ku wareejiyeen, lagana maamuli doono Muqdisho hawada wixii Soomaaliya la isku odhan jiray”
Wasiirku waxa uu sheegay in go’aanada ay qaadan doonaan yihiin kuwo aan ahayn laab la kac, balse ay yihiin kuwo hore loo sii qorsheeyey “Waxaa ka caddeynayaa aniga oo ku hadlaya Magaca XukuumaddaSomaliland iyo ka shacbigayaga, Somaliland in aanay marnaba aqbali doonin, in hawadeeda laga maamulo Muqdisho, qaranamada midoobayna ka yeeli mayno, cid kalena ka yeeli mayno in hawadii Soomaaliya wixii la isku odhan jiray loo maamulo si ka duwan sidii aanu ku heshiinay” ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey “Waxaanu rumaysanahay in hadalladaasi yihiin wax la iska  yidhi, haddii ninkaasi wasiirka hadalka ka soo baxay ay dawladiisu ku raacsan tahay, inay burinayaan oo ay balan ka baxnanoqonayso wixii aanu ku heshiinay, markaa Somaliland yeeli-mayso in hawadeeda Soomaaliya gaar u maamulato oo Muqdisho laga maamulo”
Somalilandpost.net
Hargeysa
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories