HomeDawladda Somaliland oo Maanta dalkeeda ka Mastaafurisay Nin Qaba Cudur Halis ah...

Dawladda Somaliland oo Maanta dalkeeda ka Mastaafurisay Nin Qaba Cudur Halis ah oo Hargeysa lagu qabtay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Somaliland, ayaa Arbacada Maanta dalkeeda ka mastaafurinaysa Nin qaba mid ka mid ah Cudurrada halista ah oo lagu qabtay magaalada Hargeysa Isniintii toddobaadkan, waxaana loo mastaafurin doonaa Ninkaas waddanka Itoobiya oo uu marka hore ka yimi, kana soo baxsaday goob lagu karantiimeeyo dadka qaba xanuunkiisa oo kale.

Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf  (Maxamed-Cambaro), ayaa shaaciyey inay dib ugu mustaafurinayaan Itoobiya Nin u dhashay oo cudurka Juudaanka qaba oo gacanta ay ku dhigeen shalay galab, ka dib markii dorraad uu nin Muwaaddin ahi ku war-geliyey in ninkaasi dalka soo galay. Waxaanu Taliyuhu ka hadlay, qaabka ay Laan Socdaal ahaan ugu diyaargaroobeen ka hawlgalka ka hor-tagga Xanuunka sida fudud ku faafa ee EBOLA oo dalal Afrika ah aafeeyey.

juudaanTaliyaha Socdaalka Gaashanle Sare Maxamed Cali Yuusuf, waxa uu sidaa ku sheegay Waraysi Gaar ah oo uu xalay la yeeshay Wargeyska Himilo Taliyaha oo ku sugan magaalada Hargeysa, waxaanu Taliyuhu waraysigaas ku sheegay ninkaas qaba Cudurka Juudaanka oo ka soo baxsaday Xero lagu ilaaliyo dadka xanuunkan qaba oo Itoobiya ah ay Arbacada maanta dib u celin doonaan. “Sida uu noo sheegay, kana muuqata jidhkiisa nin qaba cudurka juudaanka ayaan qabannay, berri-na (maanta) waxaannu ku celinaynaa Itoobiya.” ayuu yidhi Taliyaha Socdaalka Somaliland Maxamed Cali.

Waxa uu Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland, sheegay in ninkani ka soo baxsaday Xero lagu Karantiimeeyo dadka qaba Cudurka Juudaanka oo ku taalla gudaha dalka Itoobiya, sida uu u sheegay markii ay waraysteen Ciidanku, isla markaana ay go’aan ku gaadheen in dalkiisa dib loogu celiyo, waxaanu yidhi; “Ninkan oo magaciisa ku sheegay Maxamed A. Cali, wuxuu sheegay inuu ka soo baxsaday Xero lagu Karantiimeeyo dadka qaba Cudurka Juudaanka oo Itoobiya ku taal, laba maalmoodna joogay Hargeysa, waxaanan go’aan ku gaadhnay annaga iyo Wasaaradda Caafimaadku in dib loogu celiyo berri (maanta) dalkiisa.”

Taliye Maxamed Cali Yuusuf, waxa uu sheegay inay Abaal-marin guddoonsiin doonaan Muwaaddinkii ninkan cudurka qaba soo sheegay. “Warka ninka xanuunsanaya waxa na soo gaadhsiiyey Muwaaddin jooga Hargeysa Axaddii, hawgal Ciidanka Socdaalku sameeyeen waxay ku guulaysteen inay maalin gudaheed ku soo qabtaan, waxaanan siin doonnaa Abaalmarin dhiirrigelin ah Muwaaddinkaa waajibkiisii saarnaa ee waddaninnimo gutay.” Sidaa ayuu yidhi Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland.

Geesta kale, Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf (M. Cambaro), ayaa sheegay inuu amar ku siiyey Ciidankiisa inay si gaar ah ula macaamilaan qof kasta oo ay ka shakiyaan, loona oggolaan inuu dalka soo galo illaa Hawl-wadeennada Wasaaradda Caafimaadku baadhitaan ku sameeyaan xaaladdiisa Caafimaad, isla markaana taxadar dheeraad ah ugu jiraan inaan rakaab xanuunsanaya dalka soo gelin, iskaashina ka leeyahiin Wasaaradda Caafimaadka. “Amar ayey ku qabaan Ciidanku inay gaar ula macaamilaan qof kastoo xaaladdiisa caafimaad laga shakiyo illaa Hawl-wadeennada Caafimaadku baadhitaan ku samaynayaan.” ayuu yidhi Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf.

Mar Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland aannu weydiinnay, illaa wakhtigan inay jiraan dad laga shakiyey Cudurka Afrikada Galbeed faraha baas ku haya EBOLA VIRUS, isla markaana ay ku ogaadeen Madaarrada Diyaaradaha ama Xuduudaha dalka, ayuu sheegay, inaanay weli la kulmin dad laga shakiyo, balse baadhitaannadooda iyo hubinta mar walba joogto ay tahay, waxaanu yidhi; “Weli lamaannu kulmin dad laga shakiyo, balse hubinta iyo baadhitaannadu waa joogto.”

XIGASHO: Wargeyska Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories