HomeDawladda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Inay Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland U Gudbinayso Maxkamadda...

Dawladda Somaliland Oo Ku Dhawaaqday Inay Qaddiyadda Aqoonsiga Somaliland U Gudbinayso Maxkamadda Caalamiga Ah Ee Cadaaladda Adduunka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa(SLpost)-Dawladda Somaliland ayaa sheegtay inay dacwad caalami ah oo la xidhiidha aqoonsiga qaddiyadda Somaliland u gudbinayso maxkamadda cadaaladda caalamka ee lagu magacabao International Court of Justice (ICJ) oo ay xarunteedu tahay magaalada The Hague ee dalka Netherlands.

Dawladda Somaliland waxay sheegtay inay jid sharci ah oo caalami ah u mari doonto aqoonsi raadinta Somaliland, iyadoo sheegtay in la daraaseeyay daraasaad sharci oo ku saabsan gudbinta dacwadan. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, oo ku sugan magaalada Addis Ababa ayaa wargeyska The reporter u sheegay in qaddiyadda Somaliland tahay aayo ka tashi ee aanay ku salaysnayn go’aamo siyaasi ah oo siyaasiyiini gaadheen, “Waxaanu ahayn qaran madaxbanaan markii aanu galnay midnimada, waxaanu hadda doonayno inaanu samaynaa waa inaanu ka baxno midowga.” ayuu yidhi Dr. Sacad.

Wuxuu Wasiirku, sheegay in qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland ay sii xoojinayso inay tahay mid aayo ka tashi, “Maaha go’aan ay siyaasiyiini gaadheen, balse waxa sannadkii 1991 Burco ku gaadhay dadka, iyadoo mar labaadna lagu go’aamiyay aftidii distoorka.” ayuu yidhi Wasiirku.

Wargeysku, wuxuu sheegay in Wasiir Sacad uu sidoo kale xasuusan yahay, Kiiskii Northern Rhodesia, oo ay maxkamadda caalamiga ahi diidday qadiyaddiisa, sidaa awgeed aan loo aqoonsan dal jira iyo raadkii sharci ee ka dhashay diidmadaas maxkamadda.

Waxay ahaayeen Gobollo ka mid ahaa dalka hadda la yidhaahdo Zimbabwe oo markii ay Ingiriiska ka xoroobeen, sannadkii 1965kii ku dhawaaqay in ay yihiin jamhuuriyadda Rhodesia, laakiin lama aqoonsan, aakhirkii waxa ay ahayd riyadaasi dhammaatay sannadkii 1979kii, iyada oo maxkamadda caalamiga ahina hor istaagtay in ay dal madax bannaan noqon karaan

Wasiir Sacad, waxa uu sidoo kale ku doodayaa, in xaaladda Somaliland ay noqonayso xaalad iyadu noceedu gaar yahay, iyo in daraasado la sameeyey oo qadiyadda Somaliland la xidhiidhaa ay ku taliyeen in jidkaas la maro.

Wasiir Sacad, wuxuu kaloo jariirada u sheegay in arrimaha kale ee xoojin kara qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland ay ka mid tahay Somaliland oo buuxisay shuruudaha qaran lagu aqoonsado, sida uu dhigayo cahdiga sannadkii 1933 lagu saxeexay dalka Uruguay ee ka hadlaya waxyaabaha qeexaya qaran madaxbanaan.

Wasiirku, wuxuu ka hadlay wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee soo bilaabmay sannadkii 2012, kuwaas oo uu sheegay inay burbureen ka dib markii ay Somaliya wada hadalada u soo dirtay dad ka soo jeeda Somaliland oo Somaliya ku nool, “Somaliya waxay wada hadalada u soo xulatay dad reer Somaliland oo degen Somaliya, taas ayaana burburisay qorshihii lagu lahaa wada hadalada Somaliland iyo Somaliya.” ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Xigasho Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories