HomeDawladda Somaliland Oo Ka Hadashay Fiisaha Ay Joojisay Safaaradda Itoobiya Ee Hargeysa

Dawladda Somaliland Oo Ka Hadashay Fiisaha Ay Joojisay Safaaradda Itoobiya Ee Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse), ayaa ka hadlay Fiisaha Itoobiya, ee ay joojisay Saraafadda Itoobiya ee dalka ka furan, waxaanu sheegay in arrinta Fiisaha hakisay ay tahay arin safaaradda u gaar ah.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Axmed Aadan Ismaaciil (Axmed Kayse), oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi gaar ah siiyay, waxa kale oo uu ka hadlay siyaasadda dibadda ee wakhtigan. Ugu horayn Wasiir Axmed-kyse oo la weydiiyay inuu ka jawaabo fiisaha Itoobiya ee istaagay wuxuu yidhi “Waa dhab in Safaaradda Itoobiya yar hakisay Fiisihii, arimo u gaar ah oo dhexdooda ah ayey u joojisay,balse markii aanu wax ka weydiinay, waxa aanu isla afgaranay in cidii hawl caafimaad oo deg deg ah u tagaysa inay tixgelinayaan, in cidii deeq waxbarasho u tagaysa iyo cidii looga yeedho Safaaraddaha Itoobiya ku yaala ee Wadamada kale inay iyana tixgelinayaan, markaas waxa la magacaabay guddi ka kooban Afar xubnood oo laba xubnood Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ka socdaan, laba xubnoodna Safaaradda Itoobiya, waxayna afartaas xubnood isla eegi doonaan kana arinsan doonaan halka ay marba wax marayaan”.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibada Somaliland mar aanu wax ka weydiinay sida uu arko waxa ay ku kala duwan yihiin Siyaasadda Arrimaha Dibada ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo Xukuumaddii hore ee Daahir Rayaale oo uu labadaba Wasiir-xigeen ka soo noqday ayaa ku jawaabay”Xukuumaddihii dalka soo maray dhammaantood wax ayey soo qabteen, oo Xukuumaddii Cabdiraxmaan Axmed Cali wakhtigaas waa wakhtigii dalka dib loogu soo noqday, waxaana wakhtigaas laga soo kabanaayey dagaaladii iyo burburkii, Xukuumaddii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal waxa ay ahayd wakhtigii dib u heshiisiina,Xukuumaddii Daahir Rayaale waxa ay ahayd wakhtigii ay Dimuqraadiyadu dalka ka hanaqaaday, oo Doorashooyin xor iyo xalaal ahi ka hana qaadeen, Siyaasadda Arrimaha Dibadu aad ayey u horumartay, oo Saaxibo badan ayeynu Caalamka ku yeelanay, balse Xukuumaddan Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), Siyaasadda Arrimaha Dibaddu aad iyo aad ayey halkaas uga sii horumartay, Wakiilo ama Safiiro badan ayeynu Calaamka ku yeelanay, qadiyadeenii ayaa balaadhatay, Wadamo intii hore ka sii badan ayaa inagu soo xidhmay, markaas hadda ayey ugu fiican tahay Siyaasada Arrimaha Dibadu, sidii dawlad aqoonsi haysata ayaa la inoola dhaqmaa, waxay taasi ku timid dadaalka Xukuumaddan”.

Dhinaca kale Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Axmed Kayse ayaa waxa kale oo uu ka hadlay Shirkii ay dhawaan u qabteen Safiirada Somaliland u fadhiya Caalamka, waxaanu sheegay in Shirkaas oo lagu qabtay dalka uu ahaa shir lagaga arinsanayey sidii loo dardar galin lahaa sidii ay Somaliland aqoonsi buuxa u heli lahayd, sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka Somaliland la leedahay Wadamada Caalamka iyo Wadamada jaarka, waxaanu tilmaamay in Shirkaas aad la soo dhaweeyey, wax fiicana ka soo baxeen.

Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda Axmed Kayse ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in xidhiidh aad u wanaagsani ka dhexeeyo Somaliland wadamada jaarka sida Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, waxaanu xusay in dhawaan Xafiisyada ama safaaraddaha Kenya iyo Jabuuti dalka laga furi doono, waxa kale oo uu ka hadlay Shirka wada hadalada Somaliland iyo Somaliya isaga oo tilmaamay in aanay marnaba Somaliland ka noqonaynin qadiyadeena ah gooni istaaga, waxaanu Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay mar walba feejignadaan, isaga oo amaan balaadhan u soo jeediyey Qurba jooga reer Somaliland oo uu sheegay inay dadaal aad u wanaagsan muujiyeen.

Xigasho Geeska Afrika

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories