Home"Dawladda Somaliland In Ay Ka Hortagto Maryaha Buluuga Ah, Waxay Ka Door...

“Dawladda Somaliland In Ay Ka Hortagto Maryaha Buluuga Ah, Waxay Ka Door Bidday In Aanu Ku Dhiman Gacanta Dawladda Muwaadin Reer Somaliland Ah”

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Siyaasi Shucayb Maxamed Muuse oo hore xilal wasiirnimo uga soo qabtay xukuumadii axmed siilaanyo ayaa ka hadlay xaalada ka taagan magaalada laascanood iyo qaabka ay xukuumadu uwaajahday dajinta dadka iyo isku dhac ka yimaada garaadada lagu soo dhawaynayo ee sita calanka Soomaaliya.

Sidoo kale Siyaasi Shucayb ayaa Bogaadiyay taliyaha ciidanka qaranka Somaliland oo maanta bulshada U bayaamiyay qaabka ay ciidamadu uga hawlgaleen ilaalinta amniga Laascaanood Oo madax-dhaqameedka Sool iyo Buuhoodle Shir ku qabsanayaan.
Siyaasiga oo Arrimahan kaga hadlay Qoraal kooban, waxa uu yidhi:- “Laascanood Caasimada Gobolka Sool Xaalkeedu Wuxuu Iila Muuqdaa??? Baryahan Waxa Magaalada Laascanod Ka socda, Xaalado Aan Qurux Badnayn Muuqaal Ahaan, lakiin Sida Dadbadani U Arkayaan Aan Ahayn.

Magaalada waxa ku Soo qulqulaya,Rag Garaado Ah Oo Qaarkood,Garaacayaan Durban Colaadeed,iyo Kicin Bulshada magaalada ah,oo aanay garanayn Dhib iyo Dheef midka Ay Helayaan,Waxa nimankaasi Ka muuqata In Aanay darsin Ama ku xisaabtamin,in Aanay Waxba u Goynayn,Durbaankan Ay Tumayaan.

Dhinaca kale,ma garanayaan gacanta Xoogan Ee riixaysa,In magaaladu Fawdo noqoto ay ka dhigataan Gabbaad,qoloyo meelo kale ku soo jabay. Garaadadu kaliya Waxay ka fakareen,Meel Dhaw iyo Faker Aan U shaqayn Karayn ,oo ah In Aanay ku xisaabtamin Xaalada ku xeeran ,Gobolka.

Dawlada jamuhuriyada Somalilandna in ay ka hortagto maryaha Buluuga Ah ,Waxay ka door bidday in Aanu ku dhiman Gacanta Dawlada Jsl muwaadin Reer Somaliland Ahi ( reer Laascanod ah). Hadeerna Dawladu ,Indho Qudhaanjo Ayay leedahay, Wayna Lo socotaa Hawlaha magaalada ka socda/

Waxay ka dhigan tahay Libaaxa,marka Ay ku Soo Ururaan Xayawaanka,loo Yaqaano Yayga , Libaaxu wuxuu Matalaa inuu seexday xataa Haday Dhrgta Biyo Kaga Shubaan Uma Koco. Waxa kale Oo ay jamhuuriyada somaliland uga dhigan tahay,Cid kasta oo rabshad ka wada magaalada Laascanod,Jiir Godka Dushiisa Lagu Sugayo inta Uu Godka ka galayo.
Waxkaste oo jiirku guriga Ka cuno,waxa Soo Af Meera Marka Uu godkaasi Galo jiirku,Arinkiisu noqdaa by-by.

Dhinaca kale Abwaan maxamed xaashi Dhamac ( Gaarriye) wuxuu yidhi :-
Ninka Doorkan Maanta Ah U dooyaystay Madaxnimo
Uba Diidi Maynnee Horta Mee Dalkii Iyo Dadkii Uu Xukumi Lahaa.

Waxa kale oo Aan Hambalyaynayaa Hadalkii Maanta Ee Taliyaha Ciidanka Qaranka Jsl Sareeyo Gaas Nuux Ismacil Taani kaasi oo wax badan, Bulshada u iftiimiyay.

Gabogabdii waxa kale oo Aan meesha Ka maqnayn In Beelihii, Ilaahay dajiyay,Ku Abuuray Magaalada Laascaanood ee Horumarku U Socday,kuwaasi oo Lahaa Ganacsiga ,Jaamacadaha ,schoolada, Lagu Soo Duulay,oo Ay,ku Soo duuleen Beelo,u Sheeganaya Inay La hayb yihiin,Kuwaasi Oo kaga Cayaaraya, Nolosha, iyo horumarka, wanaagsan Ee ay mudada Dheer Dhisanayeen.

Muhiimadu waxay tahay ma garan doonaan Ama Fahmi Doonaan,Qolyahaasi Ku Soo Duulay Nabadooda,iyo horumarkooda. Waxa Suuro gal Ah,In Maalmaha Soo socda Arintaasi Laysla fahmi Doono, Oo ay dadkaasi isku caqli celin doonaan.” Sidaas ayuu yidhi Siyaasi Shucayb.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories