Home“Dawladda Somaliland baan kala hadalnay in arrintaas (TALEEX) la dejiyo..Waxaan aaminsanahay dawladda...

“Dawladda Somaliland baan kala hadalnay in arrintaas (TALEEX) la dejiyo..Waxaan aaminsanahay dawladda Soomaaliya inay ku guulaysatay arrintaas” – Madaxweynaha Somalia

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Muqdisho (SLpost)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay inuu wadahadal la sameeyey dawladda Somaliland iyo Maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, isla markaana uu kala hadlay inay kala joojiyaan Ciidamada, ka dib markii ay Millateriga Somaliland dhowaan kor-meer ku tageen magaalada Taleex ee gobolka Sool.

Xasan Sh MaxamuudMadaxweyne Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Madaxweynaha dawladda Somaliland iyo Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland uu kala hadlay dejinta xaaladda degmada Taleex oo u dhow xuduudka Somaliland la wadaagto Somaliya, halkaas oo maamul-goboleed Puntland ku hanjabay inay keenayaan ciidamo ka dib markii Ciidamada Somaliland laba todobaad ka hor dib uga soo baxeen.

Madaxweynaha Somaliya oo shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, waxa uu yidhi isaga oo arrimahan ka hadlayey, “Taleex waxoogaa waxaa ka dhacay dareen colaadeed, Ciidamada Somaliland ayaa yimi Taleex, Puntland-na waxay u diyaarisay Ciidamo ka hortaga. Dawladda Soomaaliya waxay ka qaadatay door sidii xaaladdaas loo dejin lahaa,” ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya oo hadalkiisa sii wataa waxa uu libin ka sheegtay xaaladda la dejiyey ee degmada Taleex ka dib markii ciidanka Somaliland ka soo baxay, “Dawladda Puntland baan la hadalnay, dawladda Somaliland baan la hadalnay in arrintaas la dejiyo ayaan kala hadalnay. Waxaan aaminsanahay dawladda Soomaaliya inay ku guulaysatay arrintaas oo xaaladdaas la dejiyey,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan oo hadalkiisu u muuqdo mid ka tarjumaya inuu isagu dhex-dhexaadin ka dhex sameeyey labada dhinac.

Dawladda Ethiopia, ayaa maamulka Puntland iyo Dawladda Somaliland uga yeedhay magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay ku wada-hadashiisay Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas iyo Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo Gudaha Somaliland Maxamed Biixi Yoonis iyo Cali Maxamed Waran-cadde, si loo dejiyo xaalad Colaadeed oo ka dilaacda degmada Taleex.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories