HomeDawladda Somalia oo Al-shabaab ku eedeysay siddeed oday oo lagu dilay Baay...

Dawladda Somalia oo Al-shabaab ku eedeysay siddeed oday oo lagu dilay Baay iyo ururka oo iska fogeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Somalia(SLPOST)Ururka Al-shabaab ayaa iska fogeeyey ku lug lahaanshaha dilka siddeed oday oo maqribkii xalay lagu dilay meel ku dhow magaalada Buur-hakabo ee gobolka Baay, odoyaashaas ayaa u socday Muqdisho iyo shabeeladda hoose.

 

Ururka ayaa qoraal soo dhigeen barahooda internetka waxay ku sheegeen in aysan iyagu ka dambayn dilka, taas bedelkeeda waxay ku tilmaameen mid salka ku haysa siyaasadda is diidan ee ka jirta Baydhabo.

Siddeeda oday ee la dilay ayaa ka tegay xaruunta gobolka Baay ee Baydhabo, waxayna ka soo jeedeen gobolka shabeeladda hoose, sida aan wararka ku halayno.

In ka badan sanad ayey joogeen baydhabo waxay qayb lixaadle ka noqdeen dhismaha maamulka lixda gobol ee koonfur galbeed la yiraahdo, balse aan weli aqoonsiga helin.

Taliyaha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Baay Col. Mahad Cabdiraxmaan oo u waramay idaacada VOA, wuxuu sheegay in weerarku ahaa mid qorshaysan oo ay ka dambaysay kooxda Al-shabaab.

“Ma jirto cid aan Al-shabaab ahayn oo wax disha xiligan la joogo, waa laga soo gudbay dilkii la isu geysan jiray ee sidan oo kale u dhici jiray.” Ayuu yiri Col. Mahad

Deegaanka Jameeco oo dilku ka dhacay wuxuu 15km u jiraa Buur-xakabo oo 90 km dhanka Muqdisho ka xigta magaalada Baydhabo.

Ma jirto cid rasmi ah loo aqoonsan yahay in ay ka dambeeyeen dilka odoyaasha dhaqanka ee la laaleyey, gobolka Baay waxaa ka jira xiisado siyaasaddeed oo salka ku haya dhisme maamul iyo kuwa dagaal oo u dhexeeya Al-shabaab iyo AMISOM oo taageeraysa dowladda dhexe.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories