HomeDawladda Norway oo Somaliland kala shaqaynaysa Ka faa'idaysiga Kheyraadka Dabiiciga ah, Wada-hadallada...

Dawladda Norway oo Somaliland kala shaqaynaysa Ka faa’idaysiga Kheyraadka Dabiiciga ah, Wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Horumarinta Adeegyada Bulshada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-  Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland  Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayo Ergayga gaarka ah ee dawladda Norway u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr. Jens Mjaugeal.

Madaxweyne Siilaanyo waxa kulanka uu la yeeshay ergayga ku wehelinayey madaxweyne ku-xigeenka Cabdiraxmaan Saylici, Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire, Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade.

DSC_0017Kulanka ka dib, waxa nuxurka waxyaabaha lagaga hadlay si wada-jir ah uga hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Ergayga Mr Jens Mjaugeal oo shir-jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada, waxaanay labadoodu ka dhawaajiyeen arrimo ka faa’idaysiga Kheryaadka dabiiciga ahi ka mid yahay iyo horumarinta dhinaca adeegyada bulshada oo dawladda Norway taageero ka geysanayso ay ka mid ahaayeen waxyaabaha laga wada-hadlay.

DSC_0034Wasiirka Arrimaha dibadda oo faahfaahiyey, qodobbada ay labada dhinac ka wada-hadleen, waxa uu yidhi, “Norway waxay Khibrad badan u leedahay Arimaha Shidaalka iyo Khayraadka Dabiiciga ah oo ay nagala shaqaynayso sidii ay inoogu dhisi lahayd Awoodda aqooneed ee dhinaca Kaluunka iyo Horumarada kale.waxay wax nagala qabanayaan Wada hadalka naga dhexeeya Somalia sidii uu hore ugu socon lahaa, waxay nagala shaqaynayaan dhinaca Budhcad badeeda, waxaanu doonaynaa inaanu Cilaaqaad buuxa la yeelano Norway.”

EDSC_0041Erygayga gaarka ah ee Dawladda Norway Mr. Jens Mjaugeal oo socdaalkiisani noqonayo markii labaad ee uu yimaaddo Somaliland, markii u dambaysay ee uu yimidna ahayd sannadkii 2007-dii, ayaa dhankiisa iftiimiyey waxyaabaha laga wada-hadlay,  waxaanu sheegay inuu u yimid Somaliland sidii ay u falanqayn lahaayeen dhinacyada ay wax kala qaban karaan. Waxa uu sheegay in Somaliland tahay dal Faqiir ah balse ay jiraan Fursado badan oo horumar oo u baahan in laga faa’iidaysto, haddii aan la helin Hanaan siyaasadeed oo lagu maamulana aanay fursadahaasi suuro galayn in laga faa’iidaysto.

Waxa uu sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay qayb laxaad leh uga qaadan lahaayeen wada-hadalka u dhexyeeya Somaliland iyo Somalia iyo kala shaqaynta dhinacyada degenaanshaha iyo siyaasadda ee labada waddan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories